Ciidanka booliska Puntland ee Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda, ayaa gacanta Kusoo dhigay taliyihii hogaaminayay kooxdii burcad badeedda ee $5 Milan ee madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV Abdalla.
Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee ee waqooyiga magalada...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa xukunno kala duwan ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsanaa maxkamaddaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen maxaabiis u xirnaa inay katirsan yihiin burcad badeed iyo Shabaab.
Maxkamadda ayaa garsoorayaashan iyo xeer ilaaliyaashan ku xukuntay midkiiba xukun u dhaxeeya 2 illaa...
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay laba kalana way ku dhaawacmeen shaqaaqo ka dhacday galinkii dambe ee Shalay kaam lagu qeybinayay hilibka Udxiyada oo ku taala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Shaqaadadaan ayaa ka dhacday Kaamka barakacayaasha Shabeelle ee ku yaala xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne, kadib...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaab celiyay hadalo mudooyinkii dambe kasoo yeerayay wasiiro ka tirsan dowladda Itoobiya.
Hadallada kasoo yeerayay Wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa la xariiray heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, kuwaas oo marar badan ku celceliyay in Itoobiya...
Booliiska dalka Israaiil ayaa xiray wiil yar oo aan qaan-gaarin oo kasoo jeeda dalkaas, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya, si uu weeraro uga geysto Israa’iil iyo dibadda.
Warbixin uu booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay, in wiilkan yar uu damacsanaa inuu weeraro argagaxiso ka geysto...
Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Soomaalida in ka bixitaanka ciidamada ee dalka aysan u horseedi doonin qalqal amni.
Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uusan ka tagi doonin Soomaaliya xitaa iyadoo howlgalka Midowga Afrika...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa Xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.
Duqeynta dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo watay gaadiid isugu jira kuwa...
Maxamed Suufi rasaas oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeeddii weerartay Markabkii MV Abdalla, kana mid ahaa ragii lacagta madax furashada ka qaatay markabkaas, ayay ciidanka booliiska Puntland gacanta ku dhigeen.
Ciidanka booliiska oo sheegay inay la socdeen xogta Maxamed Suufi Rasaas, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Garawe...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay wada hadal iyo wada xaajood la gasho kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa hadalkaan ka sheegay, dood lagu casuumay oo ka dhacday magaalada Oslo ee dalka Norwaay, wuxuuna sheegay, Alshabaab inay...
Duqa degmada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garowe inay si degdeg ah uga baxaan, haddii kale in tallaabo laga qaadayo.
Geeddi wuxuu sheegay, in la joogo waqtigii magaalada Garowe laga saari lahaa Itoobiyaanka sharci darrada ku jooga, isagoo ku hanjabay ciddii...


















