Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in hoos loo dhigo bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, iyadoo ka digtay xaaladda amni darro ee dalka, sida lagu sheegay dukumiintiyo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Si kastaba ha ahaatee, warqad ay dowladda Soomaaliya bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabad-galyada...
Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta shir jaraa'id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday ineysan ka tanaasuleyn musharaxnimadeeda kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo doorashadiisa la qaban doono sanadka soo socda ee 2025.
Waxay sheegtay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar iney ka dalbadeen in ay...
Dhallinyaro ka gadoodsan xadhiga Cismaan Cumar Dool oo xukuumada Somaliland ka dhaliila baraha bulshada, ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Hargaysa.
Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo dhallinyarada la hadlay ayaa ku baaqay in Dool si dhakhso ah loo sii daayo "24 saacadood gudahood hadii ninkaa...
Xafiiska arrimaha Xajka ee dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada Xujaayda Soomaaliyeed ee sanadkaan ku geeriyootay dalka Sacuudiga.
Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee dowladda Soomaaliya Khadar Daahir ayaa sheegay in ilaa Lix Xaaji oo ka mid aheyd Xujaayda Soomaaliyeed iney geeriyoodeen intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka Xajka...
Dowlad goboleedka Puntland ayaa meesha ka saaray khatarta ku saabsan in deeganadeeda ay kusii badanayaan kororka joogitaanka kooxda Daacish.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Puntland oo la hadlay warbaahinta HOL ayaa u sheegay, in aysan jirin khatar amni oo xilligan Puntland kagasoo wajahan Daacish, inkastoo ay sheegeen in Daacish ay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa gudaha magaalada Qoryooleey ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, kuwaas oo horay ugu wada dagaalamay gudaha degmadaasi iyo...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buulo xaaji ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanaas.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in afar...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dacaayad la buun buuniyay ku tilmaantay muuqaal laga soo duubay Al-Shabaab, oo ay kusoo bandhigeen dagaalamayaal cusub oo qaatay tababar.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in muuqaalka kooxdan uu muujinayo, in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab ka...
Mareykanka ayaa sii xoojinaya inuu diiradda saarayo la dagaalanka kooxaha mintidiinta Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada lala xiriirinayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika.
Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in Daacishta Soomaaliya ay halbowle u tahay isku xirka
maaliyadda caalamiga ah, iyo martigelinta...
Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay shir lagu horumarinayo is dhexgalka Soomaaliya iyo bulshada ururka EAC.
Xoghayaha guud ee EAC Veronica Muini Ndui Nduiva, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay EAC bishii Maarso, ka dib markii ay si rasmi ah usoo gudbisay heshiiskeeda...


















