Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si kulul u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay faragelin iyo xadgudub lagu hayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay u magacawday wakiil diblomaasiyadeed degaanada Somaliland.
Afhayeenka wasaaradda, Ismaaciil Baqa’i, ayaa sheegay in tallaabadan ay muujinayso qorshe uu ku sheegay mid...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), isagoo ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo la xiriirta horumarka iyo guulaha laga gaaray ololaha doorashooyinka ee ka socda degmooyin kala duwan oo dalka ah.
Madaxweynaha...
Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ku amray xubnaha Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada ee ka tirsan Baarlamaanka labadiisa aqal in ay kala doortaan xilka Wasiirnimo iyo xubinnimada Baarlamaanka.
Guddiga ayaa bayaan rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay, in go’aankan uu salka...
Taliska ciidanka Maraykanka ee (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Puntland ay beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo weerarku ka dhacay dhul buuraley ah oo qiyaastii 30 mayl u jira koonfur-bari magaalada dekedda ah ee Bosaso ee gobolka Bari.
AFRICOM ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku...
Guddiga Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa'iil ay ku magacawday danjire diblomaasiyadeed oo u fadhiya Somaliland, isagoo sheegay in arrintani ay keeni karto khatar ku aaddan xasilloonida Geeska Afrika.
Warsaxaafadeed uu guddigu soo saaray Axadda maanta ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu si buuxda u taageersan...
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa mar kale si xooggan u soo hadal qaaday baahida dalkiisa u qabo marin badeed, isaga oo markan u rogay dood ku saabsan amniga qaranka iyo madaxbannaanida xogta.
Hadal uu ka jeediyay telefishinka dowladda iyo wareysi uu siiyay warbaahinta ETV, ayuu ku sheegay in...
Shir ku qabsoomay magaalada Antalya ee dalka Türkiye, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Masar, Badr Abdelatty, wuxuu la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika.
Wasiir Badr Abdelatty ayaa...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka ka dhici doona qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, oo ay ka mid yihiin Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in doorashooyin isku xiran lagu...
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka ay Israa’iil ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u soo magacawday Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xoghaynta guud ee ururka.
OIC ayaa sheegtay in tallaabadan ay u aragto mid xadgudub ku ah madax-bannaanida, midnimada qaran iyo wadajirka dhuleed ee...
Magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u hirgelisay amar uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo lagu farayay ganacsatada in ay ay aqbalaan isticmaalka Shilinka Soomaaliyeed.
Amarkan ayaa yimid kaddib maalmo ay jireen cabashooyin la xiriiray in ganacsato badan ay diideen qaadashada lacagta maxalliga ah,...


















