Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta, oo Axad ah, sacaadaha soo socda uu si rasmi ah u shaaciyo natiijada imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo munaasabadda lagu wado inay ka qeyb galaan madaxda iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Shaacinta natiijada ayaa la qorsheeyay inay bilaabato 10:00-ka subaxnimo, waxaana si weyn loo sugayaa natiijada kumannaan arday oo sanadkan u fariistay imtixaannada waxbarashada ee Gobolka Banaadir.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in imtixaannada sannad-dugsiyeedka 2025/2026 ay qayb ka yihiin jadwalka rasmiga ah ee waxbarashada gobolka.
Munaasabadda lagu shaacinayo natiijada ayaa la filayaa inay noqoto mid ay ka qeyb galaan madaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, madaxda dugsiyada, macallimiin, waalidiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Agaasinka ayaa u sheegay Ardayda in natiijadooda ka hubin karaan nidaamka online-ka ah ee loo diyaariyay natiijooyinka imtixaanka Gobolka Banaadir ee banadir.exams.so, Kadibna waa inuu raacaa tilmaamaha ka muuqda bogga si uu u geliyo xogta looga baahan yahay, una helo natiijadiisa.
Shaacinta natiijada ayaa si gaar ah muhiim ugu ah ardayda iyo waalidiinta, maadaama ay tahay natiijadii ka dhalatay dadaalkii iyo diyaar-garowgii sanad-dugsiyeedka 2025/2026.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa ardayda u rajeeyay guul iyo natiijo wanaagsan, iyadoo indhaha bulshada ay hadda ku sii jeedaan munaasabadda ka dhaceysa aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ee lagu shaacinayo natiijooyinka.
Wixii warar ah ee kusoo kordha iyo shaacinta natiijada halkaan kala soco.





