Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug.
Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil...
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna musharrax u taagan guddoomiyaha Midowga Afrika, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in doonisteeda kursiga Midowga Afrika loo turjumayo in ay Somaliland goynayso.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam waxay sheegtay kursigaasi inuu yahay mid loogu shaqeeyo Soomaaliya magaceeda iyo jiritaankeeda. Waxay...
Booliiska Somaliland ayaa Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani, oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ku eedeeyay qarandumisnimo iyo dagaal oogis.
Afhayeen u hadkay booliiska ayaa yidhi "Waxa uu dadwaynaha Somaliland ku dhiirigalinayay in ay ka horyimaadaan shuruucda iyo kala danbaynta dalkan u dagsan, safarkii ugu danbeeyay waxa uu...
Ku dhawaad afar kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in 48 saacadood ee lasoo dhaafay ay soo galeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaas oo tagay degmada Matabaan.
Ciidamadaan oo ah kuwa aad u hubeysan ayaa qaab lug ah uga soo talaabay xadka gobolka...
Dowladda Iiran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso sidii Xuutiyiinta dalka Yemeniinta ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Saraakiil katirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahday xaalad amnigooda khatar la galiyay iyagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u beenisay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ka dambeyso in labada...
Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Da'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay in uu shalay ka badbaaday dil kadib markii uu askari xabad ku riday.
Suldaanka ayaa waraysi uu MMTV siiyay ku sheegay in la damcay in la dilo, oo ay askartu xabad u adeegsadeen kadib mudaharaad lagaga soo horjeeday...
Wada xaajoodyada ku saabsan maalgalinta ciidamo cusub oo beddela kuwa haatan jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa noqday arrimo xaajadoodu adag tahay oo ay ka cago jiidayaan Midowga Yurub iyo Maraykanka.
Midowga Yurub ayaa doonaya in la helo amar ka adag kan ay Soomaaliya rabto ee...
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isaga baxay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ahna caasimadda maamulka Hirshabeelle.
Saraakiil katirsan howlgalka ATMIS ayaa ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Saldhigyadii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen magaalada Jowhar, taasoo qeyb ka ah wejiga 3-aad ee bixitaanka ciidamada shisheeye.
Ciidamada...
Ururka Midowga Afrika ayaa darsaya codsi uga yimid dowladda Soomaaliya, kaasoo ah in la dhimo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.
Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in bishii May ee sannadkan ay dowladda...


















