Saturday, August 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta  kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo quseeya labada dowladood. Raysal wasaare Xamse iyo Danjire Richard ayaa ka wada hadlay danaha labada dal iyo...
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Howlgalka ayaa ciidamadu waxay si gaar ah ugu fuliyeen deegaanka Cali cadhoole oo qiyaas ahaan dhanka Waqooyi uga beegan Ceeldheer 33 KM, halkaas...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay inuu xilkiisa madaxweynimo uga tago midnimada Soomaaliya iyo celinta gobolada waqooyi ee dalka. Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayay xuska 64-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka go'antahay in isfahankii badda loo badalo heshiis rasmi ah. Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xornimada ee 26 Juun, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay labada ka go'antahay in ay fuliyaan heshiiska oo uu...
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka Soomaaliya taasoo keentay inay iska hor imaad la galaan ciidamada ammaanka ee deegaanka. "Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go'an tahay inay ixtiraamto mabaadi'da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo...
Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in saldhiga Ceel Ceeglow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu sare u qaadayo ka bixitaanka ciidamadooda ee gudaha Soomaaliya. Waa saldhiggii ugu dambeeyay ee militari ee ATMIS ay ku wareejiyaan ciidamada dowladda, waana...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dalabka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigay Itoobiya aanu ahayn fikir ahaan wax suurtogeli kara oo maangal ah. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya anay lahayn deked u dhow Itoobiya...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha wadatashiga ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, kaasoo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, khubarada dhaqaalaha, Safiirro iyo Wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Dallada Bulshada...
 Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ka howgala magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin Ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Ninkaan Ajnabiga ah oo u dhashay dalka Yaman ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku qabteen deegaanka Mareeg oo ka mid ah...
Inta la xaqiijiyay laba caruur ah ayaa ku geeriyootay roob xoogan oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da'ay gudaha magaalada Muqdisho10 saacadood oo xiriir ah. Roobkaan oo ahaa kii ugu xoogana ee ka da'a mudooyinkaan dambe gudaha magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, burburka guryo...