Ciidamada amaanka maamulka gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay gaari sahay u siday kooxda Al-shabaab iyo ragii waday.
Gaariga sahayda u siday Al-shabaab ee gacanta lagu dhigay ayaa ahaa nooca Soomaalidu u taqaano Nohada, waxaana ku rarna raashiin fudud iyo shidaal loo waday deegaano ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Ciidamada amniga...
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta yeeshay shirkoodii todobaadlaha ahaa ugu baaqay shacabka in ay u midoobaan difaaca Madaxbanaanida, Qarannimada iyo Midnimada dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in muwaadiniinta Soomaliyeed ay ka fogaadaan falalka...
Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya Berhanu Jula iyo Ku xigeenkiisa Janaraal Abebaw Taddese ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida.
Taliyayaashan ayaa waxaa Garoonka Jigjiga kusoo dhaweeyay Madaxda u sareeysa Dowlad Degaanka Soomaalida oo uu kamid yahay Madaxweyne Mustafe Cagjar, Hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur...
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u dhaliilay hanaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay uga hortageyso damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka digay waxuu ugu yeeray abaabul qabyaaladeysan oo hareeyay maalamahii dambe...
Itoobiya ayaa ciidamo badan oo gaashaaman ku daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri kaasoo 10,000 oo askari oo Masar ah lagu geynayo Soomaaliya.
Xiisadan ayaa timid kadib markii Itoobiya ay bilowday wajigii 5-aad ee buuxinta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam...
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Caabudwaaq.
Dagaal beeleedka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Bali seenyoone oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaaado ee gobolka Galgaduud.
Inta la xaqiijiyay ilaa 10 ruux...
Josep Borrell Fontelles oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda, ayaa kulan qadka taleefoonka ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa xiisadaha ka taagan gobolka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku yaala xadka gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.
Duqeymaha diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Heyle oo dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe,...
Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay, dowladda Masar inay danaheeda gaar ah ka leedahay faragelinta arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay fursad weyn u aragto in ay danaheeda ku difaacdo Wabiga Niil.
“Masar way na dhex martay, dabcan danteeda ayay leedahay, wabiga Niilkeeda ayay...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Beijjing ee Caasimadda dalka Shiinaha.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Beijjing uga qeyb galayo shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa.
Shirkan ka furmaya dalka Shiinaha ayaa muhiimad...


















