Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw beenisay wararka sheegayay in dowladda Soomaaliya ay ugu yeertay wadatashi deg deg ah Safiirkeeda dalka Kenya.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay ineysan dowladda u yeerin Safiirkeeda dalka Kenya, islamarkaana wararkaasi yihiin kuwa been...
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay inay dileen dhowr dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish intii lagu guda jiray howlgal milatari oo saakay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Howlgalkan oo la sheegay inuu ahaa mid qorshaysan ayaa sidoo kale lagu qabsaday sida saraakiisha ciidamadu sheegeen 48 fariisimood oo ay...
Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa qormo kooban uu ku qoray bartiisa X waxa uu ugu baaqay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu wax ka badelo siyaasadda Dowladiisa ee ka dhanka ah Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Fahad Yaasiin waxa uu qoraalkiisa ku yiri "Waxaan maqli...
Xiisad colaadeed laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug, kaddib markii xalay ay is-rasaasayn halkaasi ku dhexmartay maleyshiyaad kasoo kala jeeda labo beel oo ku dagaalamay Galbeedka Mudug.
Israsaasaynta oo ka dhacday xaafadda Garsoor ayay wararku sheegayaan inay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo ka socday...
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta, Xil. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa maanta guddoomay kaarkiisa aqoonsiga ee lafta ah, isagoo si rasmi ah u daahfuray daabacaadda kaarka aqoonsiga, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu bogaadinaayp guusha muhiimka ah ee ay Hay'adda NIRA xaqiijisay.
"Waxaan si mug weyn shacabka Soomaaliyeed...
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Kismaayo oo ay diyaarad gaar ah ka qaaday waxaana uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Waa safarkiisi ugu horeeyay tan iyo markii Axmed Madoobe markale loo doortay Madaxweynaha Jubaland uu safar dibadda ah aadayo.
Wararka...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in doorasho hal dhinac ay damacsan tahay Dowladda Soomaaliya taa uu ku tilmaamay mid xilligaan aan ka dhaqan galaynin Dalka, waxaana uu ku baaqay in wada hadal laiskaga yimaado nooca doorasho ee dalka loo jiheenayo.
Sheekh Shariif ayaa shaaca...
Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin ayaa dagaal afka ah ku qaaday Mucaaradka Dowladda kasoo horjeeda waxaana uu ku tilmaamay kuwa jidgooyo u dhiganaya shuruuc ay soo meel mariyeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka waxa uu si cad u sheegay in aysan jirin cid ama ciidan awood u...
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya uu wajahayo khatar inuu kala go'o oo inta badan uu cadowga qaato, inkastoo si rasmi ah uusan u qeexan nooca cadowga iyo dhibaatada dalka uu marayo.
Ra'iisul wasaaraha ayaa tusaale usoo qaatay in wixii ka dambeeyay dagaaalkii...
Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee lagu beegsanayo kalluunka Tuunada ee biyaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadaya daciifnimo weyn oo ka jirta maamulka badda ee dalka.
Warbixin ay soo saartay ENACT ayaa lagu sheegay in Kheyraadka kalluumeysiga hodanka ah ee Soomaaliya, uu wajahayo halis isa soo taraysa oo uga imaanaysa maraakiib shisheeye...


















