Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii uu ka jeediyay furitaanka shirka degmada Jowhar ee maamulka loogu dhisi doono gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in loo baahan yahay inay ka faa'iideystaan shacabka labada gobol barnaamijka lagu baahinayo xukunka dalka.
“Maanta waa maalin weyn oo muhiim ah; waxaad hesheen...
Qorshihii lagu balaarinayey caasimadda dalka ethuopia oo xukuumada dalkaasi sheegtey in la joojiyey.
Xukuumadda Itoobiya ayaa joojisay qorshayaashii ay ku doonaysay inay ku ballaariso xuduudaha magaalada Addis Ababa, kaddib Dibad-baxyo ay bilooyinkii u dambeeyay dhigayeen qomiyadda Oroma oo kasoo hor-jeeda Qorshahan.
Dibadbaxayaasha kasoo jeeda gobolka Oromo ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku eedeeyeen xukuumadda Itoobiya inay doonayso inay barakiciso beeraleyda ka soo jeeda...
Shirkii Kismaayo oo lagu waday inuu furmo gellinkii dambe ee maanta oo Arbaco ah ayaa mar kale dib u dhacay, taasoo Mas’uuliyiinta Jubba-land ay u sababeeyeen iyadoo Qaar ka mid ah xubnaha Beesha Calaamka shirka ka Qayb-geli lahaa aysan weli soo gaarin Kismaayo.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, C/nuur Cali Aadan oo...
Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahano, siyaasiyiin, culumaa'udiin, indheer-garad iyo haween kasoo jeeda seddexdan qowmiyadood ee kala ah Banaadiri, Baraawe, iyo Bantu ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Columbus, Ohio.
Shirkaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa durbaba soo dhaweeyeen iyo taageero baaxad leh ka helay...
Taliyaha qaybta booliiska gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale, ayaa sheegay inay qabteen Nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Ethiopia gaar ahaan qowmiyada Oromada oo lagu eedeeyay inuu ku qashay ilme yar oo Xamda lagu magacaabi jiray deegaanka Wadhan ee dulleedka galbeed ee Burco.
Taliyaha ciidanka booliska Togdheer Axmed Maxamuud Guutale...
Kulanka oo noqonaya kii ugu ballaaran oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhaca magaalada Beledweyne, ayaa waxaa ka qayb-gallay, siyaasiyiin, waxgarad, odayaal-dhaqameed, haween & dhallinyarro kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.
Nabaddoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in shirka maanta ka...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cusmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenkiisa labaad, Mahad Cabdalla Cawad, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanno baarlamaanka Somalia u metelaya shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Jawaari iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo...
Ardayda Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya qaarkood ayaa maanta oo Isniin ah dib u billaabay waxbarashadoodii, kaddib sagaal bilood oo hakad ay ku jirtay waxbarashada Jaamacadda, xilligaasoo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Jaamacadda ayna ku dileen 148-arday oo arday u badnaa.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay...
Kulan ay isugu yimaadeen wasiiradda arrimaha dibadda ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa lagu cambaareeyay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyagoo dhanka kalena taageeray tallaabadii Sacuudigu xiriirka ugu jartay Iiraan.
Guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-Carabi ayaa ku eedeeyay Dowladda Iiraan inay waddo...
Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo ayaa maanta khudbadiisii sannadlaha ahayd ka hor jeediyay labada gole ee Wakiillada iyo Guurtidda, isagoo khudbadiisa kusoo qaatay qodobo ay ka mid yihiin; siyaasadda arrimaha Dibadda, Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Diiwan-gelinta iyo Doorashooyinka, Qiime-dhaca ku yimid shilinka Somaliland, adkeynta amniga, maamul-wanaaga, garsoorka iyo cadaaladda.
Khudbaddaan...


















