Dab aad u xoogan ayaa xalay qabsaday Suuqa Gobonimo, oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa, marka laga yimaado suuqa Waaheen oo isna gabi ahaanba gubtay laba sano ka hor, kaasi oo hada dib loo dhisay.
Ciidamada dab-damiska iyo booliiska ayaa dadaal ku bixiyay daminta dabka, sidoo kale waxa...
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweysay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha dalkaas Donald Trump ee ah inuu amray duqeynta cirka ee lagu beegsaday hoggaanka sare ee Daacishta Soomaaliya.
War qoraal ah oo ay Xalay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay iney...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay howgal si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka oo lagu beegsaday horjoogayaal sare iyo xubno ka tirsan kooxda Daacish (ISIS), kaaso ka dhacay buuraleyda gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland.
Warsaxafadeed kasoo baxay...
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland.
Warbaahinta Jubaland iyo mas'uuliyiin ka agdhow Madaxweyne Axmed Islaam ayaa baahiyay muqaal kooban oo dib ugu laabashadiisa magaalada Kismaayo isagoo muddo todobaadya ah...
Xukuumadda Somaliland ayaa ruqsaddii kala noqotay maxjarka lagu hubiyo caafimaadka xoolaha ee ku yaalla magaalada Berbera, kaasi oo uu leeyahay ganacsade Carbeed.
Ganacsadaha, oo lagu magacaabo Abu Yaasir, ayay Somaliland ku eedaysay inuu caqabad ku noqday dhoofinta xoolaha, isla markaana uu heshiis la galay Dowladda Soomaaliya, arrintaasoo xadgudub ku ah...
Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay kulan ay Suxufiyiinta ka howlgasha Warbaahinta gudaha ay kuweydiinaayeen su'aalo furan ayaa sheegay in go'aanadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee Madasha ay ahaayeen kuwa Masiiri ah oo aysan Shacabka lahayn inay go'aan ka gaaraan Arrimaha Siyaasadda.
Ra'iisul Wasaare...
Maamulka Puntland ayaa saxaafadda ka mamnuucay inay xiriir la sameeyaan kooxda Daacish, oo ay Puntland kula dagaalamayso buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in go’aankani uu qeyb ka yahay amar guud oo lagu soo rogay guud ahaan saxaafadda Puntland.
Sida uu wasiirku sheegay,...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa ku baaqay in xaalada magaalada Ceerigaabo lagu xaliyo si nabadgalyo ah.
Deni wuxuu sheegay in magaalada Ceerigaabo ay tahay dhul ay wada degaan shacabka reer Puntland iyo reer Somaliland, kuwaas oo muddo 30 sano ah ku wada noolaa heshiis nabadeed, loona baahan yahay in...
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehliyaan xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u daahfuray qorshaha sahminta goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta Doorashooyinka.
Gudoomiye Yabooh iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa isla gartay in...
Waaxda dambi baarista ee Liibiya ayaa u suurtagashay in ay soo badbaadiyaan 263 muhaajiriin si sharci-darro ah ku gashay dalkaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada Afrika, kuwaas oo ay sheegtay in ay gacanta ku hayeen koox wax tahriibisa, waxaana ay ku jireen xaalad bini’aadantinimo iyo caafimaad darro aad...


















