Ciidamo aad u badan oo Booliiska Soomaaliya ka tirsan ayaa la wareegay gacan ku haynta Guriga Hooyooyinka kaasi oo muddooyinkii dambe ay ka biya diidanaayeen Ururka Haweenka Qaranka inay ka guuraan si ay ugu shaqeeyso Wasaaradda Qoyska ee Soomaaliya.
Ciidamadaan oo Salaadda Subax kaddib la wareegay Amniga Guriga Hooyooyinka ayaa...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay shir madaxeedka Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaasoo looga hadlayey xal u helidda colaaddahaa ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad weyn u leeyahay xasilloonida...
Wasiirka Aminga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo maanta qeyb ka ahaa Shir jaraa'id oo dhowr kamid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dagaalka ka socda Buura Calmiskaad aysan wax Soomaali ah ka dagaalameyn balse ay yihiin dagaalamayaal ajaaniib ah oo kusoo...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan.
Muuse Salaad ayaa sheegay in dhamaan goobahii Shalay dagaaladu ka dhaceen ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca dadweynaha ee loo...
Puntland ayaa caddeysay in aanay jirin wax caqabad ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala kulantay oo ku saabsan adeegga baasaboorka ee askarta ku dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.
Axmed Hurre oo xubin ka ah Guddiga Taakulada Ciidamada Puntland ayaa sheegay in aysan...
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar si loo xoojiyo arrimaha ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal...
Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka ka codsatay in taageerada uu hore ugu soo marin jiray hay’adda USAID hadda kadib si toos ah loogu wareejiyo dowladda federaalka, oo aan gacan saddexaad loo soo marin.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washington, Daahir Xasan Carab, oo waraysi siiyay VOA Somali, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya...
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in aanay Somaliland daacad ka ahayn nabadda ay ku baaqayso.
Firdhiye oo Khamiistii la hadlayay qaybo ka mid ah shacabka SSC Khaatumo, ayaa sheegay in la bililiqaystay guryihii ay ka qaxeen qaar ka mid ah shacabka Ceerigaabo, isla markaana ay Somaliland...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo waabarigii hore ee saakay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray kooxda Al-shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa difaaca dadweynaha.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar culus ku qadaeen difaacyo adag...
Qorshaha Dawladda ee Macawisleyda La Dagaalameysa Al-shabaab oo Wasaaradda Gaashaandhiggu Shaacisay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga ee Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qarameyn doonto ciidanka Macawisleyda ee qeybta ka ah Howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada dalka.
Wareysi uu siiyay TV ga Qaranka Soomaaliya ayuu wasiiru Dowlaha waxa uu...


















