Kooxda Daacish ee ka howlgasha Puntland ayaa sare u qaaday weeraradooda iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn oo horumarsan.
Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa ku qalabaysan kamarado lagu ogaan karo kulaylka, taas oo u suuragelinaysa inay bartilmaameedsadaan goobaha milatariga xilliyada habeenkii.
Sida laga soo xigtay shirkadda Vates Somalia oo...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sagootiyay Cutubyo ka tirsan ciidamada muuqda/hubaysan ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.
Ciidamadaan ka tirsan NISA ayaa la tilmaamay iney yihiin kuwa si gaar ah loo siiyey tababaro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka qaybgalay Shirka Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in uu heshiis la gali doono Itoobiya ka hor inta aanu sannadkani dhamaan.
Madaxweyne Cirro ayaa xusay in...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa bogaadiyay dagaalka ka dhan ah Daacish ee ciidamada Puntland ka wadaan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in Daacish qatar weyn ku tahay jiritaanka bulshaweynta Soomaaliyeed, islamarkaana waajib tahay in...
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa la sheegay inay fashliyeen weerar ku bilowday qaraxyo oo ay kooxda Daacish xalay saqdii dhexe kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Haraaya ee togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.
Bogga lagu soo gudbiyo macluumaadka howlgalka Hillaac ee ka dhanka ah Daacish ayaa lagusoo bandhigay maydadka...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta ka qeyb galay shir wadatashi ah oo looga hadlayay wax ka bedelka Dastuurka dalka, kaasi oo diiradda lagu saarayay cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
Gudoomiye Amiir waxa uu sheegay in Dastuurkaan uu Maamulka...
Shir Ka Dhacaya Imaaraadka Carabta oo Lagu Casuumay Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha Dowladaha Adduunka oo ka qabsoomaya magaalada Dubai 11–13 bishan.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, shirkan waxaa ka soo qaybgalaya madax ka socota in ka badan 30 dowladood, waxaana diiradda lagu saari doonaa horumarka dhaqaalaha adduunka, dowlad-wanaagga, iyo tiknoolajiyada casriga ah.
Madaxweynaha...
Sarkaal lagu magacaabo Jiib Gurey Bootaan oo kamid ahaaa saraakiisha ciidamada Puntland ee dagaalka uga jira buuraha Calmiskaad ayaa u geeriyooday qarax miino oo la kacay.
Sarkaalkaan ayaa 24 saac ka hor baraha bulshada laga sii daayay isagoo sheegayay inuu gacantiisa ku qabtay diyaarad Drones ah oo ay qaraxyo ku...
Waxaa maalintii labaad xiran dhamaan goobaha ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee loo yaqaano Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif ayaa sheegay in ganacsiyada Suuqa Bakaaraha ay u xiran yihiin maalintii labaad Caga jugleyn uga timid Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Qaranka.
"Suuqa Bakaaraha wuxuu u...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa go'aan ka gaartay kiiska lamaane ka tirsana kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kasoo muuqday Maxkamadda.
Maxkamadda ciidamada ayaa sii deysay Xafso Maxamed Macalin oo gacanta lagu soo dhigay dhawaan iyada oo u socotay degmada Ceel buur oo uu ku sugnaa Seygeeda Abshir...


















