Iyadoo uu socdo gurmad xoogan oo loo fidinayo shacabkii ku Barakacay Dagaallada iyo Fatahaadda Beledweyne, ayay Shirkadda xawaalada Amaana deeq lacageed gaarsiisay ilaa 1000 qoys oo ka mid ah Qoysaska ku dhibaateysan Dulleedka magaalada.
Xasan Ibraahim Xalane oo ah madaxa shirkadda Amaana ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Tallaabadaan ay...
Kumannaan Qoysas ah oo ka barakacay fatahaada Webiga Shabeelle ayaa xilligan daadsan deegaanka Ceel-Jaale oo ku yaalla duleedka Bari degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dadkan oo u badan haween, caruur iyo waayeen, ayaa wajahaya Xaalad adag oo dhinaca nolasha ah, kaddib markii ay intooda badan iyaga oo fara-maran lafahooda...
Dad tobanaan ah ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee Mandheera kuwaasoo uu soo ritay cudurka daacuun caloolaha.
Toban qof ayaa la xaqiijiyay inay cudurkaa u geeriyoodeen magaalada Mandheera ee dhacda xadka Kenya uu la wadaago dalka Soomaaliya shalay oo ugu dambeysay halka boqolaal kale oo qof ay la il...
Eedeysaneyaasha oo ka koobnaa 13 ayaa qaaliga maxkamadu uu sheegay in 5 ka mid ah lagu helay dembigaa ah inay qaraxyo ka geysteen maqaaxiyo lagu daawanaayay tartanka koobka kubbadda cagta ee dunida sanadkii 2010.
Waxaa kaloo xaakimka maxkamadaasi uu sheegay in saddex ka mid ahaa lagu waayay dembiyadaa lagu soo...
Saraakiisha iyo Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah Howl-galka Midowga Afrika AMISOM, ayaa la arkayay maanta iyaga oo ku dhax-jira Qoysaska ku Barakacay Fatahaaddii iyo Dagaalladii Beledweyne una qeybinaya Bustayaal, iyo Mar-kaneeco, iyaga oo aan wax cabsi ah muujin.
Kaalmada saraakiisha Jabuuti ay gaarsiiyeen bulshada, ayaa ka timid Xukuumadda Jabuuti,...
Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa booqasho ku tagay wafdi ballaaran oo kasocday xafiiska UNHCR ee Soomaaliya. Wafdigaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo la qaatay qaar kamid ah dadkii dhawaan socdaalka indha indhenta ah ku tagay qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiintaas ayaa warbixin kooban waxay dadka halkaasi kusugan...
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo Amaan ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Qorshayanayaan Weerraro ay ku qaadaan Xarumaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya kaga sugan yihiin Ajanaibta, gaar ahaan xubnaha Reer Galbeedka ah.
Ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegay inay Al-shabaab doonayaan inay weeraradan uga Aargutaan Duqeymo iyo Hawl-gallo...
Iyadoo ay isa soo tarayaan dadaalada loogu jiro sidii loo Caawin lahaa Dadka ku barakacay fatahaadda iyo dagaallada magaalada Beledweyne, ayaa waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Guddi u saaray sidii kaalmo deg deg ah loola gaari dadka dhibaateysan.
Xildhibaaan C/qaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka,...
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga danjiraha cusub ee Uganda, Prof Sam Tulya Muhika.
Xasan Sheekh ayaa danjiraha u xaqiijiyay inay dowladda Somalia si buuxda ugala shaqeyn doonto Danjiraha, una fududeyn doonto gudashadiisa waajibkiisa danjirenimo inta uu xilka hayo.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka,...
Danjiraha Jabuuti u jooga Somalia Dayib Dubad Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti si dhaw ula socto xaalada adag oo ay wajahayaan shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.
Safiirka, ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti si dhab ah isku bar bartaagi doonaan Shacabka dhibaateysan, isaga oo intaa ku...


















