Thursday, June 4, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay sii daayeen dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen oo ay ku qabteen xeebaha Geeska Afrika agaar ahaan degaanada Puntland, waxaana ay gacanta ku haayeen muddo shan maalmood ah, sida ay sheegeen howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab barqanimadii maanta ay ku qaadeen tuulada Cadaan laxeey oo hoostagta deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lasoo wariyay in weerarka ay ku beegsadeen fariismo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin tuulada, waxaana halkaas labada...
Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay ayaa xalay si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya. Socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen magaalada Tripoli ayaa ah mid la xariirta booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya...
Duqaymo xoogan ayaa ka dhacay Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubadda Dhexe kuwaasoo lala beegsaday saraakiil ay ku jiraan kuwa ajaanib ah iyo dagaalamayaal katirsan kooxda Al shabaab, waxaana sidoo kale duqeymahaasi lagu burburiyay xaruun shabaabka ay qaraxyo waa weyn ay ku diyaarinayeen. Waxaana ka mid ah deegaanada ay duqeymaha ka...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa ku bogaadiyey guddoonka, xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd oo ay soo qabteen kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka labada Aqal...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish. Madaxweyne Xasan Sheikh oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Kalfadhigga baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay, in dowladda Soomaaliya uu waajib ka saaran yahay in ay garab istaagto Puntland, isagoo...
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu shaaciyay magacyada 5 ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab looga dilay dagaalkii cuslaa ee maalin ka hor...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa ee gobalka Shabeellaha Dhaxe. Dib ula wareegista deegaanka Ceelbaraf ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa timid markii halkaas 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaan ku qaadeen Xalay saqdii dhexe deegaanka Dabagalo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Weerarkaan ay fuliyeen ciidamada is kaashanaya ayaa lagu dilay ilaa lix xubnood oo ka tirsanaa...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin wax diidma ah oo lagu sameeyay dalabka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la sheegay in laga hor istaagay warqadii habraacada Baasaboorka Diplomaasiga ee uu ku dalban lahaa Visa ha dal ku galka dalka...