Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay sanadkaan ku qasbanaan doonto in ay dib u eegis ku sameyso qorshaheeda gargaarka ee Soomaaliya iyo Yemen, sababo la xiriira dhimista deeqaha bini’aadantinimo ee caalamka, inkastoo baahiyaha labada dal ay weli yihiin kuwo isku heer ah.
Shir jaraa'id oo ay ku qabatay New York, Stephanie...
Qaramada Midoobay oo Go’aan ka Gaareysa Maalgelinta Ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ku Sugan.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guuldareystay inuu waqtigii iskiis u dejiyay — 15-ka May — ku ansixiyo qaraar maalgelin ah ee la xiriira howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Tallaabadan dib u dhaca ah ayaa mugdi weyn gelinaysa mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika...
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga ayaa ku dhawaaqay mudo kordhin dheeri ah oo lagu daray diiwaan galinta codbixiyaasha golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in ololaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir...
Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay, 40 kalena way ku dhaawacmeen mudaharaadkii shalay ka dhacay magaalada Burco ee Somaliland.
Mudaharaadkan oo ay dhigeen dadweyne cadho ka muujinayay warar sheegaya in la sii daynayo askartii ay Somaliland ku qabatay dagaalkii Laascaanood, ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.
" 2 qof...
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa baadil ku tilmaamay shirweynihii xalay uu Muqdisho ku qabtay ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP, oo uu hoggaamiyo musharaxna ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay qorshaha loo dhisay ururkaan inuu yahay abaabul siyaasadeed oo lagu marin habaabinayo shacabka...
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo maanta shir jaraa’id ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Koox dambiilayaal ah oo horey maxkamado u xukuntay balse heshiis Bulsho lagu sii daayay ay dib u bilaabeen falal amaanka liddi ku ah sida dilka iyo boobka shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay...
Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in maamulkoodu uu iibsaday diyaarado dagaal.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaligda ee BBC, ayaa xaqiijiyay in warkaasi yahay mid sax ah.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay isugu jiraan kuwo dagaal iyo...
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyin lagu soo qabanayo dadka Soomaaliyeed ee la shaqeeya kooxaha Magafayaasha ah, kuwaas oo ka qayb qaata tahriibinta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku wareejintooda kooxaha magafayaasha.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa iskaashi caalami ah,...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ku simaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Kareem Adebayo.
Kulanka dhexmaray labada masuul ayaa looga wadahadalay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan arrimaha amniga...
Qaramada Midoobay ayaa si degdeg ah ugu baaqday in la helo $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo xoojiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), xilli Golaha Ammaanka ee QM uu Isniintii shalay yeeshay kulan albaabadu u xiran yihiin oo lagaga hadlayay dhaqaale yari...


















