Thursday, September 10, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladaha Soomaaliya iyo UK ayaa magaalada London waxa ay si wadajir ugu shir gudoomiyeen madal heersare ah oo ku saabsan ilaalinta bulshada ay saameeyeen marxaladaha nuglaanta iyo colaaduhu. Ra'iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac iyo Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Lord Collins, ayaa ahaa labada mas'uul ee madasha hogaanka u...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa fariin adag u diray qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka. Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ah qaarkood ay u dhaqmaan sidii afhayeenada kooxda Al-shabaab oo kale, wuxuuna ugu baaqay inay...
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa bilaabay weerarro cirka ah oo xawaare sarreeya oo uu ka geysanayo gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu doonayo in lagu horjoogsado ururka Daacish (ISIS) oo uu Maraykanku sheegay inay weli ku qulqulayaan gudaha dalka, sida ay caddeynayaan xogaha milatari. Markab dagaal oo Mareykanka leeyahay, oo lagu...
Safiya Siciid oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ayaa loo caleema saaray inay noqoto Duqa magaalada ee128-aad ee Lord Mayor kadib shirkii golaha deegaanka ee dhacay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana ay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo madow ah, xijaaban, soomaalina ah oo loo magacaabo xilkaas. "Waxaa sharaf ii ah inaan noqdo...
Dowladda Sacuudiga ayaa ansixisay heshiis iskaashi oo dhex maray Qeybta amniga Madaxtooyada Boqortooyada Sacuudiga iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa la dagaalanka Argagixisada iyo maalgelintooda. Tani waxay timid intii lagu guda jiray shirkii Golaha Wasiirada Sacuudiga, oo uu guddoominayay Boqor Salmaan Bin Cabdi casiis, oo...
Puntland ayaa sheegtay inay dishay horjooge sare oo ka tirsanaa ururka Daacish, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Muuse Siciid. Horjoogahan, ayaa sida ay sheegtay Puntland, u qaabilsanaa ururka Daacish xiriirka iyo isku xirka arrimaha dibadda. Wasiir u-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Nuur, ayaa wareysi uu siiyay BBC Somali ku...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si weyn uga hadlay arrimaha quseeya xajka iyo qidmadaha ay qaadaan Shirkadaha Duulimaadka ee ay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Islaamka ay u igmaday in Xujeeyda Soomaalida laga qaado si ay xajiyaan, waxaana uu faray wasiirka wasaaradda Sheekh Mukhtaar Roobow in la dhimo...
Tiro hoobiyaal ah ayaa aroornimadii hore ee saakay lagu garaacay qeybo ka mid degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaasha qaarkood lasoo wariyay iney ku dhaceen xarunta taliska ciidamada AUSSOM ee Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ku sugan agagaarka garoonka Aadan Cadde...
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay ku dishey xalay xaafadda Hantiwadaag Dr. Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqiinay Dr. Gaalib, oo ahaa Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ee Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladd goboleedka Hirshabelle. Wararka waxa ay intaa ku darayaan...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah Mucaaradka Dowladda oo uu sheegay inay yihiin kuwo huwan fariimo Dowlado Shisheeye aan dooneeyn xasiloonida Soomaaliya. Waxa uu xubnaha Mucaaradka uu ku eedeeyay inay fagaarayaasha lasoo taagan yihiin shirar jaraaid iyagoo soo gudbinaya fariimaha...