Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni iyo cadaadiska saxaafadda ee la xariira caburinta xorriyadda hadalka ee ka jirta Muqdisho.
Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay xarig maanta Muqdisho ugu geysatay dowladda Fedaraalka ilaa sideed Wariye,...
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si weyn ugu amaanay ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle sida ay uga go'an tahay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.
Agaasime Sanbaloolshe ayaa khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay kulan ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ay...
Guuleed Saalax Barre oo ah guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, inuu Puntland usoo kiraystay shirkado calooshood u shaqeystaal ah oo usoo saara kheyraadka Puntland.
“Waxaad hadda la socotaan in si aan sharci ahayn lagula soo baxayo kheyraadkii dabiiciga ahaa ee Puntland, in...
Khilaaf ku saabsan lahaanshaha dhul ayaa ka dhex aloosan maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo, kaasoo salka ku haya deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan labada dhinac.
Maamulka Puntland ayaa shalay ciidamo u diray deegaanka Shaxda ee gobolka Karkaar, halkaas oo ay maalin ka hor tageen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka...
Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadaysa joogitaanka ciidankiisa ee Soomaaliya isagoo keenaya 500 oo askari oo ku takhasusay la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada diyaaradaha duuliyaha lahayn, taasoo jawaab u ah dhulkii ay dhowaanahan Al shabaab kala wareegeen ciidamada Dowladda.
“Ciidamada Turkiga waxa ay u joogaan oo kaliya in ay ilaaliyaan...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sannadkan ay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.
Wasiirka oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Somaliland ee qurbajoogta ah iyo guud ahaan reer Somaliland inay gacmaha isqabsadaan si loo hirgeliyo riyadan.
“Sannadkan ilama aha in ictiraafku...
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka la dhaqan-gelinayo laga bilaabo 21-ka June 2025.
War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay tahay mid lagu go’aamiyay shir muhiim ah oo qabsoomay 21-ka May 2025, Xeerkan ayaa lagu maamuli...
Ciidanka PSF ayaa ka jawaabay eedeyn culus oo uu dhawaan saxaafadda u marsiiyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Feysal Sheikh Cali Jife-Jabsade, kaasoo ku eedeeyay inay ku howlan yihiin falal amni darro ah oo ka dhacaya Gaalkacyo.
Sarkaal ka tirsan PSF oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay, in eedeyntaasi...
Midowga Yurub (EU), ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Barnaamijka Tamarta Cagaaran iyo Horumarinta Dhaqaalaha (GEED), kaas oo ah hindise ballaaran oo lagu horumarinayo helitaanka tamarta nadiifta ah iyo kobaca dhaqaale ee waara.
Barnaamijkan, oo ay €47.5 Milyan ku maalgelinayaan Midowga Yurub, Dowladda Jarmalka iyo la-hawlgalayaal kale, ayaa diiradda saaraya kor...
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ka wada kulamo lagu dardar galinaayo howlgalada ka socda gobolkaas.
Taliyaha NISA oo maalintii afaraad ku sugan Moqokori ayaa halkaas kulan kula qaatay Odayaasha dhaqabka gobolka Hiiraan oo uu ka dalbaday...


















