Monday, September 7, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Daraasad ay sameeyeen guddiga Qaramada Midooay u qaabilsan dhaqaalaha, ayaa lagu sheegay inay mudaaharaadyadii ka dhacay Waddamada Carabta ee loogu Magac-daray Xagaagii Carabta ay dhaliyeen cawaaqib aad u xun, iyadoo lagu xusay warbixin ay guddigan soo saareen inay waddamada Carabtu kacdoonnadaas ku waayeen 600 oo Bilyan oo Doollar. Guddiga Dhaqaalaha...
Madaxweyne Barack H. Obama, ayaa Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka kula kulmay, Madaxweynaha la doortay ee Xilka kala wareegaya, Donald Trump. Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo dhex-mara Trump iyo Obama, iyadoo kulankan uu qayb ka yahay hannaanka uu jagada kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Mareykanka. Donald Trump, ayaa...
Maamulka labo jaamacadood oo ku yaala gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Khamiistii la weeraray arday Muslimiin ah. Ardaydaa ayaa hablo ah. Mid ka mid ah weerarada ayaa Muslim nacayb lagu tilmaamay. Weeraradaa ayaa dhacay Arbacadii kadib markii Donald Trump la doortay, ninkaasoo ah nin Muslim nacayb muujiyay intii...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xirriika Caalamiga ah ee Burundi, Alain Aime NYAMITWE oo Saakay soo gaaray Muqdisho. Xasan Sheekh iyo Nyamitwe, ayaa ka Wada-hadlay xirriirka ka dhaxeeya Labada Waddan iyo Hawl-galka Ciidanka AMISOM ee Somalia, gaar ahaan...
Kulan ay ka qayb-galeen Madaxda Gobalka Zürich ee dalka Switzerland iyo Jaaliyadaha Ajaanibta ah ee dalkaas ku dhaqan, ayaa lagu qabtay magaalada Zürich, kaasoo Jaaliyadda Soomaalida ee Dalkaas ku Nool lagu Guddoonsiiyay Abaa-lmarin. Munaasabaddan ayaa lagu baal-mariyay lix ruux oo ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobalka Zürich, kuwaasoo wax-qabad...
Golaha ammaanka ee QM ayaa ku baaqay in dawlada Soomaaliya laga kaashado sidii loola dagaalami lahaa burcad badeeda.   Waxaa golaha ammaanka ee QM uu ka codsaday xubnaha QM oo dhan inay siiyaan taageero hayadaha dawliga ah ee Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomaaliya. Waxaa kaloo...
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo doorashada Donald Trump loo doortay xilka madaxweyne ee Mareykanka ayaa ka dhacaya qeybo badan oo dalkaa ah. Waxaa dadka mudaaharaadaya sheegayaan in ninkaasi uusan u qalmin inuu madaxweyne Mareykanka ka noqdo. Caasimado badan ayaa arinkaa dadku ka bannaan baxeen. Ardayda gobolka Florida ayaa ka mid ah dadkii...
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr  Cali C/llaahi Cosoble oo ka hadlayay hoolka doorashada aqalka sare magaalada Jowhar ee lagu doortay xubnaha aqalka sare ku matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle Jamhuuriyadda Soomaaliya taasi uu ku tilmaamay guul taariikhi ah iyo tilaabo horey loo qaaday. Dr  Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa...
Maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ka dhacey doorashada barlamaanka aqalka hoose ee federalka soomaaliya xubno u tartamayeykuwaasoo qaar kamid ahi ay la dhacsanyihiin hugaaminta Xasan sheekh iyo kooxda ku wareegsan,halka qaar cusub oo aan la ogeyn cidda ay raacsanyihiin ay barlamaanka xiligan kusoo biireen. Ragga maanta soo baxey ayaa waxaa...
Xarunta Maamulka K/galbeed ee Baydhabo ayaa maanta waxaa ka dhacey doorashadii ugu adkeyd ee goorahan ka dhaceysey maamul goboleedyada dalka taas oo dhexmartey xildhibaano doonayaal qaarkood la dhacsanyihiin dadka ama kooxda hada iyaasada soomaaliya hor booda. Tartankii ugu akaa waxa uu maanta dhex marey wasiirka Maaliyada ee xiligan Fargeto iyo...