Gobolka SH/hoose oo Xarakada Al-shabaab kusoo bandhigeen Diyaarad kuwa basaaska ah ee DRONE.

0
544

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa ka soo dhax muuqday sawir muujinaya iyaga oo dul taagan diyaarad nooca Drone ka ah oo ku soo dhacday deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Afar ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku hubeysnaa qoryaha AK47-ka, islamarkaana wajiyada soo xirtay ayaa la arkayay iyaga oo dultaagan diyaarad nooca wax basaaso ah oo ku  dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.

Al-shabaab ayaa diyaaradan ku soo bandhigay deegaan lagu magacaabo Mubaarak oo ka tirsan isla gobolka Sh/hoose, mana aysan bixin wax faah faahin marka laga reebo in ay soo bandhigeen muuqaalka diyaaradan.

Ma’aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale Al-shabaab u soo bandhigaan diyaarad nooca wax basaaso ah oo ku soo dhacday qeybo ka mid ah koonfurta dalka Soomaaliya, waxaana diyaaradaha noocan ah intooda badan isticmaala dowladda Mareykanka.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak