Sunday, September 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in sharciga dalkiisa u oggolaanayo in uu isku waddo ganacsigiisa iyo shaqada madaxtinnimada Maraykanka. Waxaa soo baxayay walaac laga muujinayo suurta-galnimada in ay labadaasi arrimood is khilaafi karaan marka uu Trump la wareego Aqalka Cad bisha Januray. Waxaana muran ku jiraa sidii...
Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidammada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa xalay ilaa maanta in uu ka soconayo deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa  bilaawday kaddib weerar culus oo dagaalyahannada Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimo ciidammada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud, waxaana wararku sheegaya in...
Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Britain ayaa ku gacan-sayray baaq kasoo yeeray Donald Trump oo uuu Xukuumadda UK ka dalbaday inay Wakiilkeeda Washington u Magacowdo Nigel Farage oo Hormuud u ahaa kooxdii ka dambeysay ololaha ay Britain uga baxeyso Midowga Yurub. Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Britain ayaa sheegay in jagadaasi hadda...
Dowladda gobolleedka Galmudug ayaa ku gacan-seyray eedeymo la xiriira doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socta Cadaado oo lagu tilmaamay mid musuq-maasuq baahsan uu ka jiro. Afhayeenka guddiga doorashada maamul gobolleedka Galmudug Yuusuf Diiriye ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in eedeyntaasi tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkaana...
Doorashadii xubnaha aqalka hoose ayaa dib uga bilaabatay magaalada Jowhar, kaddib go'aan laga garay kursigii gacan ka hadalku ka dhashay ee aqalka hoose. War ka soo baxay guddiga doorahada oo la soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter -ka ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay kurisgii khilaafku ka dhashay,...
Dawladda Turkiga ayaa shaqada ka eriday 15000 oo ruux oo isugu jira booliis iyo shaqaale dawladeed arrintaas oo la xiriirta afgambigii dhicisoobay ee bishii July ka dhacay dalka Turkiga. Siddoo kale dowladda ayaa albaabada u laabtay sagaal warbaahin oo hor leh, sideed iyo toban hay'ado gargaar iyo in kabadan shan...
Xukuumadda Somaliland, ayaa la Sheegay in ay joojisay qaxootigii ka imanayey dalka Yemen, kuwaas oo isugu jiray Soomaali iyo Yemen. Qaxootigan oo sadexdii sanno ee u dambeeyey ka soo qul qulayey wadanka Yemen, ka dib dagaalo ka socday wadankaasi, kuwaas oo boqolaal ka mid ahi soo gaadheen Somaliland. Hase yeeshee, wararka...
Jen. Maxamed Nuur Galaal oo nidaamkii Siyaad Barre noqday Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa, isla markaana kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland. Jen. Galaal oo waraysi siiyay TV-ga CTV, ayaa sheegay inay Hargeysa kasoo duugsatay burburkii ku dhacay,isla markaana uu muddo badan ku noolaa magaaladda Hargeysa...
Alla ha u naxariista waxa Haraad la Sheegay inuu ugu Geeriyooday Deegaanka Coodaale Wiil 12-jir ah oo ka mid ahaa Dadkii ka soo Qaxay abaarta ka dhacday bariga Somaliland ee deegaankaasi iskugu yimid. Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo oo madaxweynaha warbixin ka siinayey saameynta abaarta ka jirta goboladda bariga...
Ciidamada dowladda Suuriya iyo xulufadooda ayaa goobo horleh kala wareegay kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda maalinimadii Isniinta, ayadoo dagaallada iyo duqeeymaha ka socda magaaladaasi ay kasii daraan islamarkaana shacabka ku harsan magaalada ay lasoo darastay xaalad adag oo dhanka nolosha ah. “Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay duqeeymo Isniintii...