Mid ka mid ah gadiidka ciidammada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dul maray haweeney da'ah waddada aada dhinaca garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee is-goyska KM4.
Goob joogayaal ayaa sheegay in kolanyo gadiid ah oo ay la socdeen ciidammada AMISOM dul mareen haweeneydan oo da'deeda lagu qiyaasay 60-70 jira, oo...
Mas'uuliyiinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyay Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda federaalka ee dhowaan lagu soo doortay magaalad Jowhar islamarkaana ku abtirsada deegaanada Hirshabeelle, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.
Munaasabadda ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana goob joog ka ahaa mas'uuliyiinta...
Qarax weyn oo loo maleynayo in uu yahay weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhaw ka dhacay agagaarka gurigii Hooyooyinka ee ka soo hor-jeeda xarunta tiyaatarka Qaranka Muqdisho, waxaana jira durbaba warar kala duwan oo ka soo baxay qaraxa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari...
Ergayga QM ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxweynaha doorashada looga adkaaday ee Gambia Yahya Jammeh uu xilka wareejiyo.
Mohamed Ibn Chambas oo ah ergayga QM ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Jammeh loo baahan yahay inuu xilka wareejiyo ugu dambeyn bisha Janaayo 2017 markaas oo...
waxa magaaladda Hargeysa ku soo badanaya haweenka muruqmaalka ah oo aroor kasta usoo kalaha sidii ay dad kale ugu shaqayn lahaayeen, kuwaas oo inta badan dhaqa dharka, guryaha iyo xafiisyada.
Haweenka inta badan u shaqaysta si maalinle ah ayaa ku soo badanaya magaalada Hargeysa, waxaanay xarun ka dhigteen garoonka xawaadle...
Maamul gobolleedyada dalka ka jira ayaa intooda badan ku gacanseyray go'aankii guddiga xalinta khliaafaadka doorashada dadban ku baabi'iyeen natiijada doorasho 11 kursi oo ka mid ah xildhibaannada la soo doortay oo ay ku eedeeyeen in aysan ku iman sifo sharci ah.
Maamullada K/galbeed, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay...
Dawlada Kenya ayaa sheegtay inay xiri doonto xerada Kaambi Caws ee ka midka ah xeryaha Dhadhaab.
'Waxaan xireynaa Kaambi Caws 15ka Febraayo sanadka soo socda'. Ayuu yiri guddoomiyaha Degmada Dhadhaab Harun Kamau.
Wuxuu intaa ku daray in sidaa loo yeelayo sidii laisugu habooneysiin lahaa adeegyada xeryaha laga bixiyo oo gabaabsi noqday.
12...
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Galmudug ayaa ka hadlay soo gaba-gabeynta doorashadii xildhibaannada Aqalka Hoose iyo Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Galmudug ayaa waxaa heyado badan oo dawli ah iyo kuwo aan dawli aheynba waxey qireen in galmudug tahey halka ugu musuq maasuqa badneyd gobolada doorashadu ka dhacdey iyadoo ay jiraan...
Ciidanka Booliska ee degmadda Gabiley ayaa helay maydka marxuumad looga shakisan yahay inuu ninkeedu dilay oo lagu qariyey caws iyo caleenta xoolaha la siiyo dhexdooda.
Marxuumadan oo magaceedda la odhan jiray Alla ha u naxariistee Raaxo Aw Aadan Riiraash, ayaa la raadinayey muddo shan cisho ah, waxaanay ciidanka booliska ee...
Iyadoo magaalada Gaalkacyo ay ka soo kabaneyso dagaalladii cuslaa ee ka dhacay bilihii la soo dhaafay kaddib hishiis laga gaaray colaada, ayaa haddana dhinaca kale waxaa soo baxaya cabasho ay muujinayaan ganacsatada labada dhinac ee magaalada oo wali kala xiran.
Ganacsatada qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa arintan ku sheegay...


















