Deegaanka Moorogaabey ee G/bakool oo ciidamada Soomaliya iyo kuwa Amisom la wareegeen.

0
596

-Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay galinkii dambe dib u qabsaday Mooragaabey, gobolka Bakool.

Halkaa ayaa dhawaan waxaa qabsatay xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Sida sargaal ka tirsan ciidamada dawlada uu sheegay xarakada Al-Shabaab ayaa isaga baxday Mooragaabey mar ay ciidamda dawlada iyo AMISOM kusoo siqayeen halkaa.

Sargaalkaa ka tirsan ciidamada dawlada oo lagu magacaabo C/Laahi Faarax ayaa intaa raaciyay in ciidamada dawlada iyo AMISOM ay wadaan hawlgalo ay kaga riixayaan Al-Shabaab qeybo ka tirsan gobolkaasi Bakool.

Wax faahfaahin ah oo arinkaa la xiriira nooma suurta galin inaan ka helno dhanka Al-Shabaab.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak