Iyadoo maanta lagu wadday in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashadii xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi ayaa mar kale dib u dhacday, kadib markii qoraal ka
soo baxay guddiga doorashada heer federaal ku sheegeen in cid aan iyaga aheyn go’aan ka gaari karin waqtiga la qabanayo doorashada xubnaha aqalka...
Madaxweynihii hore ee Puntland, C/Raxmaan Faroole ayaa colaadaha Puntland waxaa uu ku eedeeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Faroole ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo. C/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in dagaaladii bil ka hor ka dhacay Gaalkacyo la baajin karay oo wax yar oo laciif saqiir ah...
Xaalada Gaalkacyo ayaa saaka daggan kadib dagaal halkaa shalay ka dhacay oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen labo qof.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo ciidamada maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa ka dhacay xaafada Garsoor ee magaaladaasi Gaalkacyo shalay subax ayadoon la ogeyn sababta dhalisay.
Dhawaan dagaalo halkaa ka dhacay...
Shirkii golaha wasiiradda Somaliland, ayaa ansixiyey miisaaniyaddii sanadka 2017-ka oo golaha la hor keenay,isla markaana isku dhaafin doona golaha Wakiiladda Somaliland.
Shirkan golaha Wasiiradda oo uu shirgudoominayey madaxweyne Maxamed Axmed Siilaanyo, waxaana ku wehelinayey Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku...
Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee loo soo gaabiyo DFID ayaa 1.5 milyan oo gini ugu deeqday in lagu taageero mashruucyada kaabayaasha Soomaaliya.
Taageeradan oo la marsiinayo Bankiga Horumarinat Afrika, ayaa gacan ka geysan doonta xasiloonida Somaaliya, ayada oo diiradda lagu saari doono maal-gelin lagu sameeyo qeybaha tamarata, biyaha,...
Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Liibiya oo ay saaranyihiin 118 qof ayaa la afduubay waxaana lagu khasbay in ay ka dagto jasiiradda Malta, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha Afrqiyah.
Mas'uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad gudaha ah.
Waxaa hadda ku hareereysan ciidamo,...
Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz oo wareysi gaar ah siinayay laanta afka Soomaalida ee VOA-da ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay aragtida
beesha caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan kuraastii dhawaan ay dib u celiyeen gudiga madaxabanaan ee doorashada.
Safiirka ayaa qiray in xarumaha dowlad gobolleedyada, ka dhaceen...
Warar goor dhaw naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iska horimaad khasaare sababay uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dad ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa HOL u sheegay in iska horimaadkan saakay uu ka dhacay xaafadda Garsoor, waxaana ku dhintay ilaa iyo hadda...
Qoyskii magaaladda Burco ku noolaa ee maalmihii u dambeeyey laga soo sheegayey inay cuntaddii ay karsanayeen iyo biyihii ay cabayeen isku bedelayeen wax kale ama casaan oo kale ayaa wadaad ku dabiiba quraanka iyo diinta baadhitaan ku sameeyey sida wax u jiraan sheegay inay arrintani tahay mid sixir ah...
Dawlada Jabuuti ayaa Soomaaliya ku celinaysa qaxooti Soomaaliyeed oo muddo dheer dalkeeda kunoolaa.
Hayada u qaabilsan arimaha qaxootiga dawlada Jabuuti ayaa baryahaanba ku hawlaneyd u diyaarinta qaxootigaa sidii dalkooda Soomaaliya loogu celin lahaa. Ayaga ayaa doortay inay dib ugu laabtaan Soomaaliya kadib xaalada ammaan ee dalka Soomaaliya oo soo hagaagtay...


















