Saturday, September 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka xiligan ka soo baxaya suuqa weyn ee Bakaaraha oo ayaa sheegaya in dab uu ka kacay dhisme ganacsi oo ku yaala qeybta Cabdalla Shideeye, kaasoo ku sii fidaya qeybo ka mid ah suuqa. Dabka oo aan la ogeyn sababaha keenay in uu kaco ayaa waxaa soconaya dadaal weyn oo...
Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ka hadlayay eedeymo waayadii ugu danbeeyayba loo jeedinayay madaxda ugu sareysa dalka, aya sheegay in aysan jirin cid ku takri fali karta sida uu hadalka u dhigay hantida Qaranka. Dalka Soomaaliya ayaa xiligan ku jira marxalad doorasho waxaana jira shaki weyn...
Bannaan baxyo badan ayaa ka dhacay walina ka socda qeybo ka tirsan dalka Mareykanka kuwaasoo looga soo horjeedo siyaasadaha qallafsan ee madaxweynaha shalay Mareykanka loo dhaarshay Mr. Donald Trump. Kumanaan kun ayaa isugu soo baxay caasimado kala duwan oo ku yaal Mareykanka. Sidoo kale waxaa mudaaharaadyo kuwaa la mid ah...
Iyadoo waayadii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in maamulka Soomaaliland saldhig militari Imaaraadka ka siinayo magaalada Berbera, ayaa durbaba waxaa soo baxay digniino arintaa ka dhan ah oo ay jeedinayaan culimada. Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliland ayaa ka digay halista ka dhalan...
Maanta oo Sabti ayaa lagu wadaa in musharixiinta u taagan xilka guddooka aqalka sare khubado ka hor jeediyaan xildhibaannada aqalkaas sida cad jadwalka gudiga qaban-qaabada doorashada. Musharaxiinta ayaa Xildhibaanada aqalka sare ka dalban doona kalsoonida, iyadoo musharax waliba uu Xildhibaanada ka hor cadeyn doono waxa uu qabandoono haddii la doorto. Ilaa...
Dowlada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay muujineysa taageerada ay u hayaan musharaxnimada wasiirka arimaha dibada Kenya Amina Mohamed oo ah musharax u taagan xilka guddoonka midowga Africa. Wasiirka arimaha dibada Jabuuti, Maxamuud Ali Yuusuf ayaa sheegay in xiligan la gaaray waqtigii geeska Africa ay la wareegi lahaayeen hogaanka ugu sareeya...
Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres, ayaa sheegay in kala bar dagaalamayaasha Al-shabaab yihiin caruur, kuwaa oo lagu qasbo in ay ka qeyb-qaataan dagaalka ka dhanka ah dowladda DF Soomaaliya iyo AMISOM. Xog-hayaha QM ayaa sheegay in dagaalkii dhaxmaray March 2016ka ciidamada Puntland iyo Al-shabaab inta badan xoogaggii lagu qabtay...
Xildhibaannada labada  aqal ee dowladda federaalka Soomaalya ayaa xalay wada jir uga qeybgalay kulan uu soo qaban-qaabiyay gudoonka baarlamaanka. Kulanka oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa  ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo labada aqal ee  kala ah Golaha Shacabka iyo...
Jaaliyada Soomaalida ee Norway ayaa olole ugu jirta sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu saameeyeen ee dalka Soomaaliya. Hayadaha samafalka ee dalka Norway iyo masuuliyiin kasocday jaaliyada Soomaalida ee dalkaa kunool ayaa kulan shalay ku yeeshay Oslo oo ah caasimada Norway. Waxay ka wada hadleen sidii dadka Soomaalida ah loogu...
-Ciidamada Burundi ee AMISOM ayaa laga yaabaa inay helaan gunnooyinkii ka maqnaa kadib markii ay ku gooddiyeen in ay ka baxayaan Soomaaliya dabadeedna wada xaajood lala galay dawlada Burundi. 12 bilood ayaa waxaa gunnooyinkaasi ka maqnaayeen ciidamadaasi Burundi ee AMISOM ee Soomaaliya jooga. Khamiistii shalay ayaa sargaal sare oo Midowga Afrika...