Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in habeennimadii xalay sii daayeen qaar ka mid ah shaqaale caafimaad oo todobaadkan ay ka qaafasheen deegaan lagu magacaabo Caloolacad oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Shaqaalaha ay sii daayeen Al-shabaab ayaa waxaa ay gaarayaan afar qof, kuwaasi oo kala ah kalkaaliye caafimaad, laba arday iyo...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabey Masuuliyiin kala duwan iyadoo loo kala magacaabeymeelo iyo hay'ado kala duwan kuwaasoo madaxdii hore ugu magacawnaa xilkii lagaga qaadey.
Magacaabistan ayaa waxey kala tahey sidatan:-
1 Taliyaha Ciidanka Xogga dalka Soomaaliya Waxaa loo magacaabey Axmed Jimcaale Cirfiid.
2 Taliye xigen ciidanka xogga dalka Soomaaliya C/llaahi...
Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Sharciga ee dalka Maraykanka, ayaa xabsiga dhigtay ku dhowaad 82 ruux oo u kala dhashay 26 wadan, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal socday mudo shan maalmood ah, oo laga sameeyay Gobalka Virginia, Columbia, magaalladda Washington DC iyo Gobalka Maryland.
Dadka lasoo qabtay qaarkood waxaa la...
Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ah Guddoomiyaha Gudigga doorashooyinka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in saddex musharax ay iska diiwaangeliyeen tartanka madaxtinimada maamulka.
Mudane Geelle, ayaa dhinaca kale sheegay in ay soo dhaamatay diiwaangelinta musharixiinta u taagan madaxtinimadda.
Musharixiinta is diiwaangelisay ayaa kala ah:
1- Axmed Ducaale Xaaf
2- Cabdullqaadir Shirwac
3- Axmed Shariif
10 bsihan April, ayaa waxaa...
Korneyl Daahir Maxamed Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidamadda dowladda, ayaa sheegay in ay la wareegeen Afar Tuulo oo hoos tagta Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Tuulooyinka ay ciidamadda sheegeen in ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah, waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha...
Boqorka Dalka Jordan oo Amaaney hawsha M/weyne Trump uu ku dhexdhexaadinayo Falastiin iyo Israa’iil.
Boqorka dalka Jordan King Abdullahu II, ayaa amaanay dadaalka uu madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ku xalinaayo loolanka iyo dhibaatooyinka Bariga dhexe ka taagan, gaar ahaan khilaafka hadda u dhexeeya dowladda Falastiin iyo maamulka yar ee Israel.
King Abdullahi, ayaa haddalkasi ka sheegey banaanka hore ee Aqalka ee dalka Mareykanka,...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada kusoo noq-noqday Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Tuulooyin hoostaga degmadda Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ku dagaalamayay labo maleeshiyo beedeed.
“Waa wax laga xumaado dagaaladda iyadoo ay dalka ka jiraan Abaaro ragaadiyay dadka...
Ciidanka dowladda Kenya, ayaa xiray todobo soomaali ah oo la sheegay in ay dadka tahriibinayeen.
Soomaalidda la xir-xiray, ayaa ku noolaa magaalladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana police-ka la sheegay in ay baaritaano ku hayeen maalmo badan.
Booliska fuliyay Howlgalkan waxa ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Ducomentiyo been...
Dad goob-joogayaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in saaka inta u dhexeeysa Xeebta Curubo iyo Sugunto Liido ee magaalladda Muqdishu lagu arkay meydka Nin aan weli la aqoonsan.
Ciidanka police-ka ayaa hadda waxaa ay ku wadaan baaritaano.
Meydka ayaa la sheegay in muuqaal ahaan uu aad isku bedelay.
Dadka qaar ayaa...
Qarax gaari ayaa ka dhacay banaanka hore ee maqaayad lagu iibiyo "Coffee" oo ka soo horjeeda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo cayaaraha ee ku taalla magaalladda Muqdishu.
Sidoo kale halka qaraxa uu ka dhacay, waxaa ay 100 meters u jirtaa xaruunta wasaaradda amniga gudaha.
Ugu yaraan shan ruux ayaa ilaa iyo hadda la...


















