Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa, iyo Maamulka Galmudug ayaa isku afgartay in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
10 bishan April, ayaa la filayay in doorashada ay ka dhacdo magaalladda Cadaado ee xaruunta ku meel-gaarka maamul Goboleedka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa,...
Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa xalay shaqadii ka joojiyay taliyaha saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire.
Gaagaanle Siidow Macallin Isaaq, ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne.
Wasiir Maxamed Abuukar, ayaa kormeer xalay ku tegay qaar...
Ciidamada booliiska dalka Sweden ayaa soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerar loo adeegsaday gaari weyn bartamaha magaalada Stockholm ayna ku dhinteen afar ruux tiro kalana ku dhaawacmeen.
Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu markii hore ka baxsaday ciidamada, hasse ahatee markii danbe ayeey qabteen...
Ciidamada nabad-sugida maamul gobolleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo waxaa ay ku soo qabqabteen walxaha qarxa iyo miinooyin la doonayay in loo adeegsado falal qaraxyo ah.
Axmed Maxamed Carab oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee nabad-sugida Jubbaland ayaa warbaahinta u...
Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan
Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha August oo ah xilliga loo madlan yahay doorashooyinka dalkaasi.
Hadalkan oo ka soo baxay xafiiska arrimaha dibedda dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed...
Tira hoobiyaal ah ayaa goor dhaw oo manta ah ku soo dhacay nawaaxiga isgooyga danwadaagaha ee magaalladda Muqdisho, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.
Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay in khasaare uu ka soo gaaray hoobiyaasha.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Hoobiyaasha.
Degmadda Wadajir waxaa ku yaalla...
Maamulka Soomaaliland ayaa faragalin toos ah ku tilmaamay mooshinka ka dhanka ah saldhiga military ee Imaaraadku qorsheynayo in uu ka sameysto Berbera oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah qorshaha Imaaraadka uu saldhiga military uga sameysanayo...
Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz, ayaa shalay o khamiis aheyd booqday magaalladda Lewiston ee dalka Mareykanka, isagoona halkaasi kula kulmay soomaali ganacsi ku leh magaalladda.
Safiirka ayaa kullan dadweyne ku qabtay magaallaadda waxaana uu u sheegay qaxootiga ku nool Lewiston in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay uu...
Qarax nooca Dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari Hoomey ah oo ay saarnaayeen 21 ruux, keliya waxaa ka badbaaday darawalkii gaariga waday.
Ugu yaraan 19 ruux ayaa goobta ku geeryootay.
Qaraxa waxaa uu ka dhacay Degaanka Goolweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaariga ayaa ka soo baxay magaalladda Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose,...
Dowladda Ethiopia ayaa ku guuldareysatay in ay la xisaabtanto askartii dilay 21 ruux oo rayid ahaa oo ku noolaa xaafad ku taalla dowlad deegaanka Ethiopia ee Kelinka Shanaad, sida ay sheegtay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch.
Dowladda Ethiopia waa in ay la xisaabtantaa oo ay cadaalada...


















