Thursday, September 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa is badal weyn ku sameeyay waaxyaha ka kooban tahay wasaarada. Wasiirka ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaarada C/risaaq Bahlaawi iyo madaxii agaasimka maamulka Xassan Basal. Wasiirka ayaa shaqo ka joojinta agaasimihii guud ee wasaarada ku micneeyay eedeymo...
Kooxaha burcad badeeda Soomaalidda, ayaa doon nooca ganacsiga ah kasoo afduubtay marin biyoodka mashquulka badan ee dalka Yemen. Hay’adda Ganacsiga iyo ilaalinta Badaha ee dowladda Ingiriiska, ayaa website ay leedahay ku daabacay in ay heleen warbixin muujineysa in doon badda dhex fadhida ay hareereeyen kooxo burcad badeed ah. Dhinaca kale warbixin,...
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasadeyneyso Gargaarka loogu talagalay dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Somaliland. Mudane Saxardiid, ayaa sheegay haddii dowladda ay wado arrimo kale in ay iska heystaan gargaarka. “Dowladda Soomaaliya weey ka qeyb-qaateen gurmadka abaaraha, balse maanta siyaasada aad ku...
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan xiliga shaqada shaqaalaha dowladda ay bilaabaneyso iyo xiliga ay dhamaaneeyso. Wareegtadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay shaqada u bilaabaneyso siddeeda subaxnimo (08:00), lagana bixi doono Afarta iyo barka galabnimo (04:30), sida waafaqsan qod. 26aad...
Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Cawad Ciise ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ku warglisay in ilaa 4, 000 oo ruux oo Soomaali ah dib looga celinayo dalka Mareykanka. Safiirka oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in dadka ay u ku soo celinayso dowladda Mareykanka Soomaaliya in aysan aheyn kuwa...
Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah fulisay ilaa shan dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana dilal qorsheysan ka geysteen qeybo ka mid ah deegaannada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso. Wariyaha Hiiraan Online ee magaalada Boosaaso Feysal Boston ayaa sheegay in subaxnimadii hore...
Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa maanta si rasmi ah xafiiska ugala wareegay ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Maxamed Cumar Carte oo mudo labo sano ah ku soo shaqeeyay xafiiska. Maxamed Cumar Carte u mahad celiyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana...
Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar culus xalay ku qaadeen saldhiga ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow ee Jubada Hoose. Weerarka ayaa loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Dhinaca kale, isla xalay Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaadan Jaziirada...
Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa cambaareeyay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay magaalladda Stockholm ee dalka Sweden. Afar qof ayaa dhimatay 15 kalena way dhaawacmeen, ka dib markii gaari xamuul ah oo la soo xaday la jiirsiiyay dad wado marayay, sida police-ka ay sheegeen. Wasiirka...
Maxkamad ku taalla magaalladda Hargeysa ee xaruunta maamulka Somaliland, ayaa laba sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye Cabdi maalik Yuusuf Coldoon, oo in muda ah xabsi ku jiray. Ehelada iyo Qareenaddii u doodayay wariye Coldoon, ayaa sheegay in ay racfaan qaadan doonaan, waxaana xukunka ay ku tilmaameen Sharci daro. Xeer...