Thursday, September 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-waaq ee gobolka Gedo ku dileen 15 ka tirsan xoogagga Al-shabaab. Afhayeen u hadlay militariga dowladda Kenya oo lagu magacaabo Col. Joseph Owuoth ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ku dileen 15 ka...
Degaanadda maamulka Jubbaland ayaa qeyb ka ah meelaha ay sida daran u saameysay abaaraha sanadkan ku dhuftay dhulka Soomaalidda. Wasiir ku-xigeenka  Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in xaaladda abaareed ee ka Jirta deegaanada Jubbaland in ay tahay mid saameyn lixaad leh ku reebtay Dadka iyo Duunyadda. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaasi ahna...
Maamulka Degmada Hobyo, ayaa sheegay in ay soo furteen Doon nooca ganacsiga ah oo gacanta ugu jirtay kooxaha Burcad-baddeed Soomaalidda. Kooxdii heysatay doonta ayaa la sheegay in ay la baxsadeen shaqaalihii saarnaa, balse hadda waxaa ay maamulka gacanta ay ku hayaan doonta oo laga leeyahay dalka India. Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaah...
Dowladda Imaaraadka ayaa si buuxda ula wareegtay dekadaha iyo garoomaha diyaaradaha ee Berbera iyo Boosaaso, waxaana sidoo kale la filayaa iney la wareegto qeybo muhiim ah oo katirsan magaaladda Muqdisho. Lacag aad utira badan ayay Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalka Imaaradka Carabta ay siineysaa maamulada xakuma magaalooyinkaas yo...
Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo saacado ka hor ka dhacay xero ciidan oo ku taala warshadii Nacnaca degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay tiro ka badan 15 ruux...
Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeryootay, halka tira intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii dagaal beeleed uu ka dhacay deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Dagaalka ayaa dhacay Axadii shalay, waxaana dadkii ku geeryooday ay dhamaantood ahaayeen kuwii ku dagaalamayay deegaanka. Deegaanada Saaxdheer iyo...
Qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay nawaaxiga Isbitaalka Martiini ee Magaalladda Muqdisho, sida dad goob-joogayaal ah ay u sheegeen WARSOM. Gaariga waxaa watay nin magiciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cusmaan, oo goobta ku geeryooday. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu gaariga ku qarxay, waxaana ay bilaabeen...
Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa gaaray magaalladda Abu-dubai ee xarunta Imaraadka carabta. Mudane Farmaajo, ayaa maanta lagu wadaa in kullan uu la qaato dhaxal-sugaha Boqortooyada Imaaraadka ahna Taliyaha Ciidamada Wadankaasi. Kullanka labada dhinac ayaa waxaa la sheegayaa in waxyaabaha lagu soo qaadi doono ay ka...
Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeryootay halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay meel u dhow wasaaradda Gaashaandhigga ee ku taalla magaalladda Muqdishu. Qaraxa ayaa ahaa ismiidaami waxaa uu dhacay xilli wada uu marayey taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya...
Qarax xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga wasaaradda gaashaandhigga ee magaalladda Muqdishu, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ciidan oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda. Xaruunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga Soomaaliya...