Thursday, September 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka qeybtooda magaalada Kismaayo ayaa waxaa saaka lagu qabtay munaasibad loogu dabaaldegayay 57-sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamo ka tirsan kuwa Qaranka, mudo dheerna uu tababar uga socday Xarunta Jaamacadda Kismaayo ayaa goobta kusoo bandhigay xirfado dhanka...
Ehelada nin dhawaan ciidamada Kenya ay ku xireen gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa beeniyay in eedeymo loo soo jeediyay oo ahaa nin uu ka tirsan yahay kooxda Daacish iyo kooxaha wax tahriibiya. Nabadoon Axmed Xusseen oo ka mid ah ehlada eedeysanaha xiran ayaa warbaahinta u sheegay in waxba kama jiraan...
Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya, ayaa duqeeyay saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose ee Koofurta Soomaaliya. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km koonfur ka xiga Magaalladda Kismaayo. Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen deegaanka Beer-naas, oo 60km u jira Magaalladda...
Masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco wada hadal uga furmo magaalada caasimada ee ah Muqdisho. Wada hadalkan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka labada dhianc u dhaxeeya, isla markaana ku dhistaan maamul mideysan. Dhinaca maamulka Galmudug waxaa...
Dowladda Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo gar-gaar bani’aadanimo lagu gaarsiinayo dadka  Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen. Barnaamijka cusub ayaa dowladda ay sheegtay in loogu magac daray ((li'ajligaada soomaaliyeey - لأجلك يا صومال  For Your Sake SOMALIA 🇸🇴)), waxaana taakuleyntaasi iyo ololaha gar-gaar, ka wada qeyb-qaadan doonna, Dowladda...
Saaka oo Arbaca ah waxaa xiran inta badan wadooyinka dhex-mara magaallada caasimada ee Muqdisho, munaasabada 12 April awgeed. Munaasabada xuska 12 April ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalladda. Maanta wadooyinka muhiimka ee muqdishu laguma arkaayo, gawaarida dad weynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, keliya waxaa magaalladda dhex-socda...
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa hambalyo ku-aadan 57-guuradii ka soo wareegatay, markii la aas-aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u diray ciidamada Qalabka sida. 12 April, ayaa loo dabaaldegaa munaasabada xuska ciidanka, waxaana xaflado lagu xusayo ciidanka lagu qabtaa magaallooyinka dalka Soomaaliya. “12 April oo ku began...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta. Wuxuna u guur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda. Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay...
Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habanne (Cabdilaahi Dheere) ayaa sheegay in saddex jaamacadood oo wadanka ku yaala kala noqdeen rusqaddii jaamacadnimo ee markii hore siiyeen. Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in guddida tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda baadhitaan dheer oo ay galeen iyo qiimayn ay ku sameeyeen ku ogaadeen in shuruudihii...
Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubno ka mid ah culimaddii dhawaan ku dhawaaqay urur Diimeed ay ugu magac dareen Al-Saaciduuna Bil Xaq kaas oo ay ku sheegeen in ay wadeen qorshahiisa muddo 45 sanadood ah. Waxaana kooxdan culimada ah ay dhawaan hal mar uun kaga wada dhawaaqeen magaalooyinka Hargeysa,...