Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dib u qabsaday Degaanka Janaay Cabadalla oo qiyaas ahaan 60Km u jira Xaruunta Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo.
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa Al shabaab ka saaray degaanka, balse waxaa la sheegay in mar dambe ay isaga bexeen ciidanka, waxaana dib degaanka u galay...
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha Shacabka.
Kulanka masuuliyiinta ay wada qaateen ayaa ahaa mid su’aallo weydiin ah.
Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoonka iyo Guddiyada Barlamaanka u sharaxay...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa wareegto ku magacaabay maareeyaha hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada oo noqonaya Yuusuf Cabdu C/dulle ( Yuusuf Jaalle)
Wareegtada ayaa lagu sheegay in Yuusuf Jaalle uu noqonaya maareeyaha hay’adda Saadasha iyo Duulista hawada DF Soomaaliya, isaga oo badalaya C/waaxid Sheekh Cumar oo xilkan horay u hayay.
Mas’uulkan la...
Dibadaxyadan oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa xoogooda ka dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Balacad oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, halka magaalada Beledweyne maamulka gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle dadka meel fagaaro ah kula hadleen.
Dadka ka qeybgallay dibadbaxyda ka dhacay Jowhar iyo...
Wararka laga helayo Deegaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka dowladda Kenya ay halkaasi duqeeyeen maanta.
Diyaaradaha ayaa la sheegay in duqeynta ay ku garaaceen dhowr meelood oo deegaanka ka tirsan, sida goob-joogayaal ay sheegeen.
Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa gacanta ku haya xarakadda Al Shabaab...
Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa xariga ka jaray garoonka kubadda cagta magaalada Kismaayo oo ay soo idlaadeen howlo dib u dayactir ah oo lagu sameeynayay mudooyinkii u danbeeyay.
Garoonka ayaa la dhigay cawska macmalka ah ee la dhigo garoomada, ayadoo sidoo kale dayactir lagu sameeyo qeybo...
Taliska ciidamada booliiska maamulka K/galbeed ayaa markii ugu horeysay ugu baaqay xasaaska saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab in ay isa soo diiwaan-galiyaan.
Taliyaha ciidamada booliiska maamulka K/galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu wargaliyay xasaaska Al-shabaab in ay is diiwaangaliyaan arintaa oo sida uu...
Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carrabta ayaa Markab wada gar-gaar bani’aadanimo usoo dirtay dekadda Berbera ee ku talla Gobolka Saaxil oo hoostaga maamulka Somaliland.
Markabka ayaa waxaa saaran gar-gaar qiimihiisa lagu sheegay Dh10.3 million oo isugu jira 3,819 tan oo cunta ah, 356 tan oo biya ah, 23 tan oo...
Dowladda Chine ayaa lacag dhan $10 milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxaa ay ku wareejisay hay’adda cuntada adduunka ee WFP.
Lacagtan ayaa sheegtay dowladda Chine in lagu iibin doono cunto iyo sidoo kale dawooyin ay u baahan yihiin dadka abaarta...
La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xusseen Macalin Maxamuu sheegay in fasiraad aan sax aheyn ama qaldan laga bixiyay sida uu hadalka u dhigay qorshaha dowladda ee dhismaha ciidamada Qaranka.
Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanada xooga dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo...


















