Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarada uu dalka uga anbaxay tan iyo markii xilka loo doortay iyo hadal heynta bulshada ee safaradan la xiriira.
‘’Baryahan warka waa uu iska soc-socdaa oo waxaa la leeyahay ninkii Maxamed Cabdullaahi ahaa ee aan safarka jeceleyn ee...
Musharraxiinta Madaxweyne ee maamul-gobolleedka Galmudug ayaa maanta Khudbaddo ka horjeedinaya Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaasi.
Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in ilaa iyo saddex musharax ay hor imanayaan Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah.
1- Axmed Ducaale Geelle Xaaf
2- Cabdikadir Maxamed Shirwac
3- Axmed Shariif Hilowle
Musharraxiinta ayaa xildhibaannada u akhrinaya barnaamijkooda siyaasadeed, haddii ay ku guuleystaan xilka madaxtinimada...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1-da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.
“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.
Ra’iisul...
Xarrakada Al-shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalo deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, ku dilay laba ruux oo mid ka mid ah oo ku eedeysnaa kufsi.
Mid ka mid ah raggan la dilay oo lagu magacaabo Ibraahim Raagoow 29 sano jir ah ayaa la sheegay in lagu dilay dhagax kadib markii...
Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku geeryootay shil gaari oo ka dhacay magaalladda Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 7 ruux ay ku dhaawacmeen shilka, kuwaas oo hadda lagu daweynayo magaalladda Garoowe.
Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in qaarkood xaaladdooda ay aad u liidato.
Shilka ayaa yimid kadib markii...
Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka oo aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dowladda.
Wararka ayaa intaa ku...
Maanta waxaa caalamka badankiis looga dabaaldagayaa maalinta Shaqaalaha iyadoo dalka Soomaaliya uu ka mid yahay 80 dal oo shaqaalaha howlahooda ay ka nasanayaan.
Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray dhamaanba shaqaalaha Soomaaliyeed , iyaga oo balanqaaday in dowladda si joogta ah u bixin doonto mishaarka shaqaalaha...
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in ciidamada nabad-galyada heli doonaan sida uu hadalka u dhigay daryeel joogta ah iyo wixii kale oo xaquuq ah oo u baahan yihiin.
Hadalka ayuu ka sheegay ra’iisal wasaaraha kadib booqasho uu ugu tagay ciidamo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka...
Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab xalay xalay weerar ku culus ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku lahaayeen degmada.
Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan degmada Waajid xoogagga Al-shabaab ayaa soo qaaday weerar culus taasoo...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar.
Madaxweynaha ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo bishii hore ay dowladda Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya ahna Wakiilka gaarka ah ee dowladda...


















