Thursday, September 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirka  Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland,Cismaan C/llaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in munaasinadihii loogu dabaaldegi jiray maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 May la joojiyey abaaraha jira awgeed. Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dabaaldegii lagu weynayn jiray 18 may ee dhaqaalaha badan ku bixi jiray sanadkan la joojiyey, isla markaana dhaqaalahaasi...
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa habeen hore la sheegay inay soo xidheen macalimiin iyo arday hablo ah oo wax ka dhiganayey madarasad ku taala magaaladda Hargeysa. Madarasadan ayaa ahayd mid hablaha gaar u ah,isla markaana ay dhigtaan hablaha yar yar ee qurbaha laga soo celiyo, waana dugsiyadda la seexdo (Boarding School),ardaydan...
Maanta magaalladda Cadaado waxaa ka furmaya doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, xildhibaanno ka tirsan Labada Gole iyo siyaasiyiin ayaa Magaalladda Cadaado, dhawaan ku qul-qulayay, si ay marqaati uga noqdaan doorashada. Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in illaa saddex musharax ay ku tartamayaan doorashada...
Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi (Retreat) labo cisho ah oo ay xubnaha golaha wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka xukuumadda. Ujeedada kulankan labada cisho ah oo ay wasiiradu ku gorfeynayaan qorshe-howlleedka xukuumada ayaa ah sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo...
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la dilay dagaalyahano u dhashay dalkeeda oo ku biiray ururka Al Shabaab, kaddib markii Al-Shabaab ay ka shakiyeen dagaalyahanadan. Kenya waxaa ay sheegtay dagaalyahanadaasi ka tirsanaa Al-shabaab in ay isla xoogag ka tirsan ururka, kadib markii looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin dowladda Kenya. Agaasimaha...
 Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan  goor dhaw oo maanta ah ku toogteen degmada askari ka tirsanaa ciidamada asluubta dowladda federaalka Soomaaliya. Toogashada askariga waxaa geystay rag ku hubeysnaa bastoolad kuwaa oo goobta isaga cararay kaddib dilka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda. Goob joogayaal...
Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha fashilka wada hadaladii ay la lahaayeen maamulka Galmudug. Waxaa uu sheegay dhinacooda ay kulanka la tageen labo sharuuddood oo sida uu hadalka u dhigay u cuntami...
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobolleedka Galmudug saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado gaaraan wafdi heer caalami ah, kuwaa oo goob joog u noqon doona doorashada madaxweynaha ee maalinta beri ah la filayo in ay halkaa ka dhacdo. Ilaa saddex musharax madaxweyne ayaa maalintii...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay uu ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa xarrakada Al-shabaab. Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii Al-shabaab ay weerartay saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Number 50. Wararka ayaa sheegaya in uu...
Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho ka soconayeen kulamo is daba joog ah oo ay lahaayeen mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, ayaa lagu wadaa in maanta mar kale xarunta Xalane uu ka furmo kulan hor dhac u ah shirka 11 bishan lagu balansan yahay magaalada London ee...