Kulankii Golaha Wasiirada shalay ay yeesheen ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen makhaayada Pizza House ee ku taalla degmadda Hodan ee Magaalladda Muqdishu.
Shirkii shalay waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana ugu horeyn warbixin ku aadan weerarka looga...
Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aad u amaanay hawlgallada ay Ciidammada dowladda ay ku xasilinayaan amniga Caasimadda Muqdishu.
Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tegay xarunta dembi baarista Ciidammada Booliiska ee CID.
Kormeerka Guddoomiyaha ayaa...
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan ay si dag-dag ah oo shuruud la,aan ah u joojiyaan dagaalka.
“ Waxaan tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro...
Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay mid kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaannadda Baarlamaanka dowladda Soomaaliya.
Dilka marxuumka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Towfiiq ee magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen Bastoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobtii dilka uu...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo, ayaa si kulul uga hadlay weerarkii xalay Al Shabaab ay ku qaadeen maqaayada Pizza House, ee ku taalla degmadda Hodan ee magaalladda Muqdishu.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen,...
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, ayaa cambaareeyay weerarkii Al Shabaab xalay ay ku qaadeen makhaayadda Pizza House ee magaalladda Muqdishu.
"Mar labaad, argagixisada, ayaa si fuleynimo ah u beegsaday dad shacab ah oo makhaayad ku sugnaa, iyaga oo adeegsanaya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaasi...
Golaha Ammaanka ee QM ayaa go’aansaday in la kordhiyo waqtiga shaqada Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, lana gaarsiiyo ilaa March 2018.
Golaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedaha muddo kordhinta howlgalka UNSOM, waxaana y sheegeen in howlgalka uu taageero geedi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhiirigelinta iyo sara u qaadida is-dhexgalka wadashaqeyneed...
Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa sheegtay inay baadhitaan dheer ku samayn doonto Bariis Caaga ka samaysan oo la sheegay in lagu arkay suuqyadda magaaladda Hargeysa.
Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay inay qayb tusaale ah ka qaadi doonto bariiskan, isla markaana ku soo baadhi doonaan wadanka Kenya, iyadoo xustay inay sharciga la tiigsan...
Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyo beelleed ka soo kala jeeda gobollada Galguduud iyo Hiiraan ayaa mar kale dib uga qarxay deegaanno hoostaga gobolka Hiiraan.
Dagaalka subaxnimadii hore ee saakay dhacay ayaa daba-socda dagaalo horay uga dhacay deegaanka, hasse ahaatee wararka naga soo gaaraya Aaga lagu dagaalamayo ayaa sheegaya in...
Sarkaal sare oo hadda ka tirsan kooxda al-Nusra oo yaraantiisii ku bar-baaray magaalladda Sydney, ayaa sheegay in sababii uu ugu biiray kooxda argagixisada ee dalka Suuriya ay tahay, kadib markii dowladda Australia ay ka kansashay ama ay ka joojisay Passport-kiisa.
Mostafa Mahamed, ayaa kasoo muuqday YouTube-ka, isaga oo ka tirsan...


















