Saturday, August 15, 2026
Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay ee Sabtida kormeeray in badan oo kamid ah xaafadaha Muqdisho. Xasan Cali Kheyre waxaa booqashadiisa ku weheliyey Wasiirka Amniga gudaha iyo taliyaha ciidanka nabad sugidda. Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa kormeeray inta badan degmooyinkii ay howlgallada xasilinta caasimaddu ka socdeen,...
Wararka ka imaanaya degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in habeenkii xalay dagaal ka dhacay halkaas, kadib markii koox ka tirsan Dagaalyahanada  al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka AMISOM ee Jabuuti ay ku lahaayeen degmada Buulaburte. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku soo gaarey subaxnimadii hore...
Xarakadda Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada weerarkii todobaadkii hore ay ku qaadeen saldhiga ciidamada military-gga maamulka Puntland ee degaanka Af-Urur ee gobolka Bari. Sawirada ayaa faafaahin ka bixinayay bur-bur xooggan oo saldhiga ka muuqda iyo gawaari gubanaya. Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadkii hore sheegatay in weerarka degaanka Af-Urur ay...
Xeer ilaaliyaha ciidanka Boliiska ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Maxamuud Cilmi, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay shan dhallinyaro ah oo horay u dilay afar ruux oo xoolo dhaqato aheyd. Dilka afarta ruux ee xoolo dhaqatada aheyd ayaa waxaa uu ka dhacay miyiga Gobolka Mudug. “Howlgalka lagu soo qabtay...
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ku sugan magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa shalay kulan la qaatay Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (World Tourism Organization) oo fadhigoodu yahay Madrid. Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horreyntii warbixin kooban ka...
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in waddanka Soomaaliya laga saaro wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO Richard Trichard. Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel uga dhacaysa hay’baddii iyo sharaftii wakiilnimo ee Soomaaliya. Warqad ka soo baxday wasaarrada arimaha...
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta safar ugu anbabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay inuu muddo dhawr cisho ah joogi doonno. Madaxweynuhu markii uu Madaarka Hargeysa ka dhoofayey warbaahinta lama hadal, hasse ahaatee afhayeenka madaxweynaha Xusseen Deyr ayaa warbaahinta u sheegay in safarkan madaxweynuhu yahay mid gaar ah...
Ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhimatay 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari ay saarnaayeen dad rayid ah Miino kula qaraxday deegaanka Madax-waraabe oo u dhow Lafey, kaa oo u dhaxeeya Ceel -waaq iyo Mandera. Gaarigan ayaa la sheegay in uu ka tagay magaalada Ceel-Waaq isaga oo...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta boqolaal ruux Salaadii Jimcaha kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa Salaada kaddib khudbad ka jeediyay masaajidka, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan, waxaa uu sheegay in Al-Shabaab in ay doonayaan in ay waji xumeeyaan Diinta Islaamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa...
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo goor dhaw oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ay si kulul uga hadlay dagaalka ka soconaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan oo dad badani ay ku dhinteen. Ugaaska oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay asalka colaada labada beellood ayaa sheegay in arintan...