SHir Weynihii 4’aad ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo Maanta Soo Gaban gaboobey.

0
570

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shir weynaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo shantii Sanoba Mar la Qabto ayaa maanta Si rasmi ah loo soo gaban gabeeyey Iyadoo Muddo Hal sano ah lasoo hormariyey Sanadkan Sababo la xiriira Wax ku daridda Xeer Xisbiga oo lagama maarmaan ah awgood,maadaama la filayo in dhawaan la galo Diiwaan gelinta Axzaabta Dalka.

SHirka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa billawdey 06/08/2017 ayaa waxaa looga hadley Qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin warbixinoo iyo Qoraalo cadeynaya halka ay marayaan Hawlaha Xisbigu,waxa u qabsoomey mudadii Afarta sano aheyd,iyo waxa aan u qabsoomin iyo waliba Caqadaha Horyaal ama Xisbiyiintu la kulmeen.

Sidoo kale SHirweynaha ayaa lagu Ansixiyey Qodobo lagu darey Xeerka Xisbiga kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen Qodob l xiriira Maamul goboleedyada Dalka Ka hirgaley oo aan hore u jirin,loona baahnaa in xeerka Xisbiga lagu daro,si kastaba ha ahaatee Shirka oo Socdey muddo 3 cisho ah ayaa kusoo dhamaadey Jawi Hagaagsan iyadoon wax carqalad ah lala kulmin.

warsom2011@gmail.com