Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakadda Al Shabaab.
Xasan Isxaaq Ibraahim, oo ahaa mas'uulka Al Shabaab ee degaanka Gelef ee Soomaaliya ayaa waxaa lala dilay laba kamid ahaa ilaaladiisa gaarka aheyd, kadib markii howlgal wadajir ah ay qaadeen ciidamada KDF-ta dalka...
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Dastuurka KMG aan afti loo qaadi karin, iyadoo nidaamka federaalka ee dalka ka maqan tahay Maamulka Somaliland oo horay uga dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Mar uu wariyayaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayuu wasiirku sheegay...
Dowladda Suudaanta koonfureed ayaa saddex ka mid ah ragga Soomaalida ah ee ku lugta leh Tahriibinta dadka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Magafayaasha ee dadka u Tahriibiya Libya ku wareejisay dowladda Soomaaliya.
Raggan dowladda Soomaaliya loo soo gacan galiyay ayaa lagu kala magacaabaa Caydaruus C/llaahi Naxar, C.raxmaan Maxamuud Socdaal iyo...
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa furay waddo nadaafad daro u xirneyd 20-kii sano ee lasoo dhaafay.
Guddoomiyaha ayaa horaantii todobaadkii hore baldoosaro iyo gaadiid kale geliyay waddada Cirtoogte oo isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.
Mr Taabit oo saxaafada kula hadlay bartamaha waddadaasi ayaa...
Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee caasimadda Muqdisho waxaa ay soo bandhigeen shilalka ay geysteen gaadiidka ciidamada dalka nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM.
Shilalka qaarkood waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,dadka ugu badan ee saameysanta ay ku yeesheen waa shacab,sida u warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka.
“Afartii sano ee...
Wasiiru dowlaha W. Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdullahi Sheikh Cali Qalocow ayaa shir la yeeshay wafdi uu hogaaminayo wakiilka Soomaaliya ee u qaabilsan Bangiga Aduunka, waxayna ka wada hadleen dar dargalinta howlaha shaqo uu Bangigu ka hayo Soomaaliya.
Shirkaan oo daba socday shirar hore ayaa...
Dalka Koonfur-Africa ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa lagu dilay laba qof oo ganacsato Soomaali ah, sida warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay.
Muwaadiniinta Soomaalidda ah ee dalkaasi lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacabaa, AUN Nuur Cismaan Nuur iyo Maxamed Xuseen Gacal.
AUN Nuur, ayaa waxaa goob ganacsi uu ku...
316 qof oo muwadiniin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Yeman ayaa dib ugu soo noqday dalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka iyo soogalootiga Qaramada Midoobay ee IOM.
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 maalmood gudahood Soomaalidaasi ay soo gaareen gudaha dalka Soomaaliya.
IOM ayaa 18-ka bishan July magaalladda...
Ibraahim Madoobe Nuur, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku nool degmadda ay heysato dhibatooyin adag oo dhinaca nolosha ah.
Degmada Jalalaqsi ayuu guddoomiyaha sheegay in ay go’doomiyeen Xarakada Al Shabaab.
“Waxaan dalbaneynaa in waddooyinka loo furo degmadda, si kaalmooyin loo...
Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab waxaa ay ka bilaabeen degaanno ka tirsan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Weedow Cali Xasan, Guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa warbaahinta u sheegay intii ay ku guda jireen howlgalka in ay dileen dagaalyahanno ka...


















