Kooxda Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigtay sarkaal ay sheegeen in uu kasoo goostay ciidamada maamulka Jubaland ee Soomaliya.
Sarkaalka ayaa waxaa magiciisa ay ku sheegeen Col. Yaasiin Fiilo, waxaana la socday saddex askari oo ilaalo u aheyd.
Maamulka Jubaland wali kama uusan hadlin warka kasoo yeeray Al Shabaab.
Ma ahan markii...
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-gobolleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa ku baaqay in laga qeyb qaato xal u helista diidmada lacagaha Shilin Soomaaliga ah.
Muddooyinkii ugu dambeyeey deegannada Galmudug waxaa ka taagnaa xaalado adag, kadib markii ganacsatada ay diideen in ay qaataan lacagaha shillin Soomaaliga ah.
Arrintan ayaa ka dambeysa kadib markii ganacsatadu...
BBC-da Laanta Af Sooomaaliga ayaa lixdan jirsatay, waxaanay munaasiiba balaadhan loogu qabtay magaaladda Hargeysa oo ah halkii ay barigii hore ka unkatay 1957/7/18.
Xuska lixdan guuradda BBC-da Soomaalida waxa qayb weyn ka ahaa tartan loo qabtay haweenka Gabya, waxaana ka qaybaatay tartankaasi boqol haweena, taas oo laga soo xullay saddexdii...
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Xasan Cali khayre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso soo saarista lacago cusub oo dalku yeesho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar kormeer shaqo uu ku tagay Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...
Dowladda Kenya ayaa lacag gaareysa 2 million oo Shilinka Kenya dhul-dhigtay shan qof oo ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin Xarakadda Al shabaab.
Ragga lacagta la dul-dhigay ayaa la sheegay in ay ka dambeyeen weeraro ka dhacay degaanka Lamu ee dalka Kenya.
Shanta qof waxaa kamid ah labo qof oo wada...


















