Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn oo Dagaal Culisi Ku dhexmarey Labo Beelood.

0
802

 Dagaal xoogan oo la sheegay in uu u dhexeeyo laba beelood ayaa ka soconaya degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Ilaa Lix ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku dhinteen sida dad goobjoog ah u sheegeen Warbahinta WARSOM sidoo kale waxaa jira dhaawacyo tira badan oo aan ilaa hada la xaqiijin karin tiradooda rasmiga ah.

“Lama cadayn karo dhaawaca, waase badan yahay oo waad garan kartaa dagaal magaalo ka socda”

Ayuu yiri wariye ku sugan Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn.

Dagaalkan ayaa ka bilaabmay dil dhawaan ka dhacay halkaas oo uu ninkii falka geystey Fakaday, iyadoo mudooyinkii u danbeeyey xeerka Buuhoodle uu ahaa cidii cid disha in loo dilo.

Isku dayo badan oo la doonayo in dagaalkan lagu joojiyo ayaa lagu guuldaraystay, wixii ka soo kordhana dib ayaan idiinka soo gudbinaynaa.

warsom2011@gmail.com