Sunday, August 16, 2026
Maanta oo Jimcaha ayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya waxaa siweyn looga dabaal-dagayaa maalinta koowaad ee munaasabada Ciidul-Adxa oo ka mid ah labada Ciidood oo ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah. Masaajidda ayaa lagu oogay Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb-qaateen Tukashada...
 Gollaha amaanka Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii la soo dhaafay mudo kordhin u sameeyay howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana leysku raacay in la dhimo tirada ciidamada AMISOM dhamaadka sanadkan. Qorshaha dhimista ciidamada AMISOM ayaa u gogol xaaraya sidii ciidamada Somaalia loo xoojin lahaa, marka ugu dambeysana loogu...
Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa markii ugu horeysay si dadban uga jawaabay su’aal aheyd waxa ay dowladda ka og-tahay sarkaal ka tirsanaa jabhada ONLF oo la sheegay in dowladda Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya. Su’aashan oo aheyd mid la weydiiyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre...
Malaayiin Xujey Muslimiin ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa maanta taagan Banka Carafo, iyaga oo soo gudatay Acmaal kala duwan oo ka mid ah Arkaanta Xajka. Maanta oo ah Sagaalka Dulxaj, waxay Xujeydu taagan yihiin Buurta Carafo, halkaasoo ay ku duceysanayaan, waxay joogi doonaan illaa gabal dhaca maanta. Xujeyda ayaa...
                    Qiyaastii 3.1 milyan oo qof, oo u dhigma 25 boqolkiiba bulshada Soomaaliyeed ayaa la saadaalinayaa in ay wajihi doonto xaalladdo bani’aadanimo oo deg-deg ah. Abaarta ayaa waxaa ay qasabtay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo ka barakacsan abaaraha, iyo kuwo kale oo ay cadurro ay soo wajaheen. Nabadgelyo-xumo iyo...
                        30 xubnood oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray Magaalladda Muqdisho, sida uu sheegay Taliyaha Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada S/guuto Xasan Calasoow Maxamuud. Askarta tababarka ka faa’iideysatay ayaa kala ahaa 5 sarkaal, 11 kormeer, 6 S/xigeen iyo 7 dablay ah. Saraakiisha Boliiska ayaa sheegay...
                    Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka Magaalladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe. Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay isku dheceen laba gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu waday 100 neef oo ari...
                    Qiyaastii laba Million oo Muslimiin ah oo ka kala yimid Adduunka oo dhan ayaa maanta ku cibaadeysanaya buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka. Kumanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah Muslimiinta gudaneysa waajibaadka xadka ee sanadkan. Faa’iidooyinka ay leedahay Maalinta...
                  15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa xalay isku raacay in muddo 1-sanno ah  lagu kordhiyo Hawlgalka Midowga Africa AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya. Xilli-hawleedka ciidamada AMISOM, ayaa waxaa uu ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sannadka soo socda ee 2018. 15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM,...
                    Kulankan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray “Samawade” waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda kooxaha argagixisada ee suurtagalka noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah,...