Dalka Sucuudiga oo Madaxweyne Farmaajo Safar aan hore loo sii shaacin ugu Amba Baxey!.

0
581

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Boqortooyada Saudi Arabia.

Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa ka warbixiyey oo ka warbixiyay safarka madaxweynaha ayaa sheegay in uu daba soco safarradii hore ee uu ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey xiriirka dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona Boqorka Sacuudiga kuwaa looga wada hadli doono hagaajinta cilaaqaadka labada dowladood iyo fulinta balaqaadyo horay dowladda Sacuudi Aribiya u sameysay.

Dhinaca kale safarka madaxweyne Farmaajo ayaa imanaya xili qaar ka mid ah maamul gobolleedyada ka qaateen go’aan ka dhan ah kan dowladda dhexe khilaafka wadamada Carabta iyaga oo la saftay xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga.

Lama oga in madaxweyne Farmaajo mas’uuliyiinta Boqortooyda isla soo qaadi doonaan saameynta arintan ay ku yeelatay siyaasada Soomaaliya.

warsom2o11@gmail.com