Maxamed Yuusuf Tigey oo ka mid ahaa guddiga Taakuleynta heer Qaran ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay xubinnadii guddiga, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii labaad ee isaga baxay guddiga tan iyo markii lagu dhawaaqay.
Waxaa uu sheegay in uu iska casilay xubinnimadii guddiga, kaddib markii uu...
Madaxweynaha dowladda SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay xalay Qorayaal Soomaaliyeed oo ka qeybgalay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay Carwada Buugaagta muddadii sadexda maalmood ah oo ay furnayd.
Qorayaasha la kulmay madaxweynaha ayaa la wadaagay caqabadaha ku...
Weerar Lagu Qaadey Gaariga Taliyihii Nabadsugidda Degmada Kaxda oo u Geeryoodey Dhaawac Soo Gaarey..
Dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay taliyihii nabad-sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir kaddib weerar lagu qaaday gaarigiisa.
Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Macallin Xassan Qoolleey, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay gaariga, sidoo kalana waxaa la dhitay...
Wafdigan uu horkacayay Wasiirka wasaaradda arimaaha dibadda dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareeykanka, ayadoo wafdigan uu hordhac u yahay wafdi kale oo uu hogaaminayo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre oo gaari doona dalkaasi.
Wasiirka arimaha dibadda dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay...
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageerto madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle si looga gudbo caqabado faraha badan ee xilliggaan horyaalla.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in ay muujiso taageerada ay u hayaan maamulka curdanka ah si amni...
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa Aroornimadii hore ee saakay weerar ku qaaday deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan oo ah Koontaroolka ugu weyn gobolka.
Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in iska horimaad halkaa ka dhacay lagu dilay Afar Askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka...
Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubaland ee ku sugnaa gobolka Gedo ayaa booqday xerada lagu tababaro ciidamada Daraawiishta Jubaland ee degmada Doolow, halkaa oo ay tababarro uga socdeen ciidamada ka tirsan Jubaland.
Madaxweynaha ayaa booqashada waxaa ku wehlinayay wasiirka amniga Mudane C/rashiid Xasan Cabdi Nuur, Wasiirka arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame...
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah baaritaan loogu sameeyo qaxooti kasoo jeeda dalka Burundi oo lagu laayay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, ayadoo si gaar ah loogu eedeeyay dilalka loo geystay qaxootiga ciidamada dowladda Burundi.
Warbixin kasoo baxday howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalka Congo...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay madaxweynaha cusub ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Awaare.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu soo dhaweeyay ay u dhacday doorashada Hirshabeelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.
Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada...
Waxaa daqiiqado ka hor la soo gabagabeeyay doorashadii madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo doorashada madaxweynaha uu ku guuleystay Maxamed Cabdi Waare.
Maxamed Cabdi Waare ayaa ku guuleystay 74 cod, halka musharixiin la tartamayay Daahir Cabdulle Cawaale uu halay 23 cod.
Doorashadan oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa ku tartamay 8...


















