Askarta Raaca Mooto Fecon iyagoo Hubeysan oo Booliska Gobolka Banaadir Amar ka Soo Saarey.

0
276

Taliska Ciidanka Booliska ee Qeybta Gobolka Banaadir ayaa amar culus kasoo saaray askarta iyagoo hubeysan raacda Mootada loo yaqaano Fekon, waxaana lagu wargeliyay in aan la oggolayn, isla markaana ay mamnuuc tahay.

Kadib markii shalay uu qabsaday baraha Bulshada ruux dhac u geesanaya dad rayid ah oo watay dareeska Ciidanka kuna socday Mootada Fekon waxaa suurta gashay in Saldhiga Hodan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay gacanta ku soo dhigaan eedaysane D/le Liiban Mustaf Adan, oo lagu soo eedeeyay dhaca is xig-xiga oo ka dhacay dhowr degmo oo ka mid ah Muqdisho.

Taliyaha booliska qeybta Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa sheegay in Eedaysanaha uu haatan gacanta ugu jira Boliiska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda si sharciga loogu waafajiyo.

Taliye Macalim Mahdi, ayaa bulshada ku booriyay in haddii ay la kulmaan dhac ama fal amni-darro, ay si degdeg ah u tagaan saldhiga ugu dhow ama ay wacaan lambarka gaaban ee 991, si talaabo degdeg ah looga qaado.

Ciidamada Boliiska ayaa mar kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la raaco awaamirta hay’adaha amniga, si loo xoojiyo nabadgelyada caasimadda iyo guud ahaan dalka.