Monday, November 9, 2026
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Isbadalka ka socda Geeska Africa loo baahan yahay marka hore in si taxadir leh leysaga eego wixii dan iyo dibin-daabyo ah ee ku jira. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalka ka sheegay xiritaankii madal ay isku arkeen Aqoonyahanno ka kala socda deegaannada...
Magaalada Baydhabo waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaaran oo loogu jiro qabanqaabada doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhaceysa 19ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah. Waxaa maanta kulan wada tashi ah iyo is xog-wareysi ku yeelanaya magaalada Baydhabo guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo amaankana siweyn loo...
Magaalada Muqdisho waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta ayaa looga wada hadlay xalinta khilaafka ka abuurmay mooshinka xil ka qaadista ah ee xubno ka...
  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxwaynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga. Guuled ayaa madaxwaynaha Jabuuti uga mahad-celiyey taageerrada reer...
Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan seertay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri “Boqortooyada waxay cambaareeneysaa qaraarka...
Madaxwaynaha Ciraaq ,Berhaam Saalix ayaa ka tanaasulay dhalashadiisii Britishka, isagoo fulinaya sharciga dalkiisa ee dhigaya madaxwaynaha inuu wadan baasboor ajnabi ah, afhayenka madaxwaynaha ayaa sidaasi sheegay maalinimadii Axaddii. 'Isagoo u hoggaansamaya sharciga , madaxwaynaha waxaa uu ka tanaasulay dhalashadii kalle ee Britishka ' ayuu yiri Luqmaan Fayli war qoraal ah...
Warar Xog Ogaal ah oo Nasoo Gaarey Ayaa Sheegaya in Gudoomiyaha Baralamaanka Max'd Mursal Sheekh iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre ay Wada Kulmeen Kuna Kulmeen Xarunta Hiddaha Tacliinta Sare ee Ku Dhaw Zoope Agagaarka KM5 ee Magaalada Muqdisho. Madaxda Ayaa Halkaa U Doortey Kadib Markii Mid Kasta Kan Kale Aamini...
Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa maant oo Isniin ah sheegay duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose Sabtidii iyo Axadii todobaadka ku dileen 62 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab. Labo duqeyn oo ka dhacday deegaanka Gendershe labo maalmood isku xigta, taariikhda marka ay aheyd 15 iyo 16...
Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib -u dhiska u magacaabay Cabdi Aadan Hoosoow. Booska loo magacaabay Hoosoow ayaa waxaa maalintii shalay banneeyay Cabdifitaax Geeseey oo ku eedeeyay dowladda in ay fara-galin ba'an ku heyso doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Magacaabistan oo aheyd mid dg deg...
Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ayaa xalay isku afgartay wakhtiga doorashooyinka golaha Wakiilada iyo Deegaanku dhici doonaan oo wakhtigii hore loo qorsheeyey dib u dhac ku yimid. Madaxweyne Muuse Biixi oo uu wehelinayo madaxweyne ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici ayaa xalay kulan la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin...