Wednesday, August 12, 2026
Josep Borrell Fontelles oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda, ayaa kulan qadka taleefoonka ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa xiisadaha ka taagan gobolka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku yaala xadka gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud. Duqeymaha diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Heyle oo dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe,...
Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay, dowladda Masar inay danaheeda gaar ah ka leedahay faragelinta arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay fursad weyn u aragto in ay danaheeda ku difaacdo Wabiga Niil. “Masar way na dhex martay, dabcan danteeda ayay leedahay, wabiga Niilkeeda ayay...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Beijjing ee Caasimadda dalka Shiinaha. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Beijjing uga qeyb galayo shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa. Shirkan ka furmaya dalka Shiinaha ayaa muhiimad...
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laalay dacwadii xil ka qaadista ee ka dhanka ahayd Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf. Kulan aan caadi ahayn oo uu saaka goluhu yeeshay, ayuu ku diiday xil ka qaadista xildhibaanka, 51 mudane ayaa kasoo horjeedsaday dacwada, waxa ogolaaday 3 mudane, 2 mudane ayaana ka aamusay. Tirada guud...
Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kulan la xariiray xoojinta iskaashiga iyo difaaca amniga labada ku wada yeeshay magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga. Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Yaşar Güler la wadaagay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan dhinaca amniga iyo howlgalada ka dhanka ah...
Xarunta Dalladda Midowga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya war Saxaafadeed ka soo baxey ayaa lagu Cambaareeyey Ficilada Dadka Midabka nooga eg Magaca Soomaalinimadana nala Sheegta bale Cadowga iyo Shisheeyaha u shaqeeya. Halkan ka Aqriso:     
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Hoose oo tiradooda lagu qiysaasay afartameeyo, ayaa la xaqiijiyay inay diyaariyeen mooshin lagu dalbanayo in xasaanadda looga qaadayo 25 xildhibaan. Xildhibaanada mooshinka laga diyaariyay ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen tallaabo kasoo horjeedda qarnimada Soomaaliyeed, ka dib markii ay taageereen dibadbaxyo lagu taageerayay joogitaanka ciidamada...
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay in hawada Soomaaliya loo gacan galinayo dal shisheeye, waxayna sheegtay in aanay suurtogal ahayn in Soomaaliya xilligan loo maamulo hawadeeda. War saxaafadeed kooban oo ay soo saartay hay’addu ayay ku sheegtay in uusan jirin qorshe ay Dawladda Soomaaliya ogtahay oo suurtogal ka dhigi kara...
Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo lagusoo rogay maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya, iyadoo awaamiirtan looga dan leeyahay in lagu kordhiyo sida dowladdu sheegtay, kormeerka iyo xakameynta dhul-badeedka Soomaaliya. Dhammaan maraakiibta soo galaya biyaha Soomaaliya ayaa lagu amray in ay ka babadaan calanka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad...