Xildhibaan Axmed Cisman Ibrahim (Daqare) oo ahaa wasiir ku xigeenkii waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkiisii. Waa wasiirkii labaad oo kasoo jeeda Jubbaland oo iska casila xukuumadda Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray xildhibaanku ayuu ku yiri, “Waxaa muuqata in hoggaanka dowladda Soomaaliya ay si bareer ah u mareen waddo aan horay loogu mahadin.
Wasiirkii hore ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kala fogaanshaha iyo dhibaatooyinka lagu hayo sida uu sheegay, maamulada SSC, Puntland iyo Jubbaland, isagoo ku eedeeyay dowladda inay wado fowdo siyaasadeed iyo khilaafaad dhanka awoodda ah.
“Waxaaan aad oga xumahay in Bulshadii aan matalayay laga dhigay mid laga saaray Soomaalinimada sida SSC, mid laga shaqeeyay burburkeeda, markii lagu fashilmayna la cuno qabataeeyay sida Puntland, iyo mid hadda loo masaaro tumanayo burubriinteeda sida Jubbaland oo si aan ganbad lahayn looga shaqeynayo in la galiyo jahawareer siyaasadeed iyo afgambi,” ayuu yiri xildhibaanku.
“Waxaan yaqiinsaday in Xukuumadda ku hawlan tahay in ay dhiig ku daadiso Jubbaland kana rido dagaal sokeeye, iyada oo rabto in ay ku fushato danaheeda gurracan ee la wada ogsoon yahay, waxaan go’aansaday markaan damiirkeyga la tashaday in aan iska casilo Xilka Wassiir ku Xigeenka Wassaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare,” ayuu xildhibaanku sii raacshay hadalkiisa.
Iscasilaadda labadan wasiir ayaa kusoo aadaysa, iyadoo uu aad usii xumaanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoo lagu kala fogaaday hannaanka doorashooyinka dalka.