Wednesday, August 12, 2026
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil duhurnimadii maanta loogu geystay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wiil ka mid ahaa dhalinyaro magaaladaas. Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa ka dhacay barkoontarool oo ku taala Xaafada Howlwadaag waxaana dilkaasi geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa bartakoontarool oo...
Ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa saacadahii laso dhaafay kooxda Al-shabaab kala wareegay ilaa lix deegaan oo hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan. Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo ay kooxdu si dhuumaaleysi ah uga sameysteen deegaanada hoostaga degmada Halgan, kuwaas oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle. "Waxaan ka warhelnay...
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo bandhigay hindise ay dowladda Jabuuti doonayso in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Isagoo wareysi siinayay BBC, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti soo jeedisay in Itoobiya loo ogolaado inay gasho badda iyada oo sii mareysa Jabuuti, islamarkaasna...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Buula burte ee gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala bartamaha magaalada, taasoo ay fariisan jireyn dad u badan askar iyo macawiisleey. Hal ruux ayaa...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka dhanka ah Al-shabaab ayaa si gaar ah uga socda Galbeedka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha oo ah...
Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay afar diyaaradood oo nooca helicopter-ka ah oo noocoodu yahay Bell 412EPX, taasoo noqonaysa tii ugu badneyd ee la geeyo dalka Soomaaliya tan iyo markii laga qaaday cunaqabateynta hubka. Diyaaradahan oo qiimahooda lagu sheegay 16 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, ayaa waxaa la sheegay inay siisay...
Guddida Nabadgalyada Gobolka Sanaag, ayaa amar ku bixisay in la joojiyo dadka qaar oo bilaabay in ay ka qaxaan magaalada Ceerigaabo, sidookale bandowga magaalada saaran  ayay sii xoojiyeen. Guddida nabadgalyada ayaa amar ku bixiyay in anay jirin cid ka bixi karta magaalada oo qaxaysa, guddidu waxay sheegtay in qaxa ay...
Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atskeselassie, ayaa  ku eedeeyay madaxda Soomaaliya inay sii xumeeynayaan xiisadda labada dal ee deriska ah. Isagoo sheegay  in Soomaaliya ay gacan saar la leedahay hay'ado shisheeye oo doonaya inay khal-khal geliyaan gobolka. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis Ababa Jimcaha maanta, ayuu sheegay...
Maamulka degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta gobolka iyo qeybaha bulshada ayaa dhigay bannaanbax ballaaran oo ay ku taageerayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool. Dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen  Al-Shabaab, iyagoo...
Iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu gabagabo ku dhow yahay dhammaadka December 2024, waxaa soo baxday xaalad la yaab leh oo xasaasi ah oo ay ku lug leeyihiin dhowr askari oo Itoobiyaan ah oo hadda ku sugan Soomaaliya. Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan sirdoonka ciidanka qaranka Soomaaliya,...