Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo shirarka jaraa'id ee lagu qabto gudaha iyo banaanka xarunta Golaha Shacabka.
Amarkaan kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa ahaa mid si toos ah loola wadaagay Warbaahinta iyo wariyaasha sida gaarka ah wararka uga soo tabiya fadhiyada Golaha Shacabka.Go’aankaan...
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay xalinta kala aragti duwanaasho xoogan oo u dhaxeysay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo kala jeeda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Banaadir.
Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Siciid Siyaad Shirwac oo...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Tog-wajaale, ayaa sheegay in heshiisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadaadisyo.
"MoU-gu wuu hirgalayaa, waa hubaal, wixii xag xaganayaana ha xag xagtaan, qolada Xamar maanta...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib ayaa maalintii labaad howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goobaha ciidanka howlgalada ka wadaan ayaa waxaa ka mid Sabansableey, Ceel afwayne, iyo Ceel Cali goodle oo dhamaantood ah deegaano...
Ciidamada amaanka maamulka gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay gaari sahay u siday kooxda Al-shabaab iyo ragii waday.
Gaariga sahayda u siday Al-shabaab ee gacanta lagu dhigay ayaa ahaa nooca Soomaalidu u taqaano Nohada, waxaana ku rarna raashiin fudud iyo shidaal loo waday deegaano ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Ciidamada amniga...
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta yeeshay shirkoodii todobaadlaha ahaa ugu baaqay shacabka in ay u midoobaan difaaca Madaxbanaanida, Qarannimada iyo Midnimada dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in muwaadiniinta Soomaliyeed ay ka fogaadaan falalka...
Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya Berhanu Jula iyo Ku xigeenkiisa Janaraal Abebaw Taddese ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida.
Taliyayaashan ayaa waxaa Garoonka Jigjiga kusoo dhaweeyay Madaxda u sareeysa Dowlad Degaanka Soomaalida oo uu kamid yahay Madaxweyne Mustafe Cagjar, Hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur...
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u dhaliilay hanaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay uga hortageyso damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka digay waxuu ugu yeeray abaabul qabyaaladeysan oo hareeyay maalamahii dambe...
Itoobiya ayaa ciidamo badan oo gaashaaman ku daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri kaasoo 10,000 oo askari oo Masar ah lagu geynayo Soomaaliya.
Xiisadan ayaa timid kadib markii Itoobiya ay bilowday wajigii 5-aad ee buuxinta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam...
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Caabudwaaq.
Dagaal beeleedka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Bali seenyoone oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaaado ee gobolka Galgaduud.
Inta la xaqiijiyay ilaa 10 ruux...


















