Sunday, November 1, 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuu hadalladiisa iyo mowqifkiisa ku dhiirrigelinayo burcad-badeedda inay madax-furasho ka dalbadaan maraakiibta ay afduubtaan. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in warqad uu soo saaray maamulka Puntland ay ku jirto difaac uu ku tilmaamay mid lagu taageerayo...
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in dib-u-dhaca ku yimid ciidamada Masar ee la filayay in ay qayb ka noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya aanu ka dhalan rabitaan la’aan siyaasadeed ama diyaar-garow la’aan dhinaca Masar ah. Cali Balcad...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM) oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunidu wajahayo, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Qatar ay xoojinayaan iskaashigooda amni iyo difaac, isagoo tilmaamay in heshiiska iskaashiga difaaca ee labada dal uu gacan ka geysanayo dhismaha hay’ado amni iyo ciidan Soomaaliyeed oo xooggan oo xirfad leh. Xamsa Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyay...
Ciidamada Badda Turkiga oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo furteen markabka MV LATUF, oo ay burcad-badeeddu afduubteen 17-kii Agoosto, xilli uu marayay agagaarka xeebta Jiifle ee degmada Eyl, ee gobolka Nugaal. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka oo socday muddo 10...
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo goluhu ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isla markaana akhrintii koowaad loo gudbiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi,...
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Aadan, ayaa sheegay in hawsha qodista ceelka shidaalka ee Curad-1, oo Türkiye ka waddo xeebaha Soomaaliya, ay si xawli ah u socoto, isla markaana la soo gabagabeyn karo dhammaadka bisha Sebtembar. Agaasimaha ayaa sheegay in qodistu ay gaartay qiyaastii 3,000 mitir, iyadoo hawshu...
Markab shidaal oo Mareykanku cunaqabateeyay ayaa kamid noqday maraakiibta ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida xilli ay soo kordhayaan weerarrada burcad-badeednimada ee Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed. Markabka Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan SIBU 1, ayaa Mareykanku cunaqabateeyay bishii Diseembar 2025, isagoo lagu daray maraakiibta Washington ay ku tilmaantay qayb...
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen, ayaa ka hadlay eedeymaha loo jeediyay ee ah inuu xiriir iyo xulafo la sameystay kooxda Al-Shabaab, kaddib markii dhawaan weerar ay halmar Baydhabo kusoo qaadeen ciidanka Lafta Gareen iyo kooxda Alshabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeeysay inuu Lafta Gareen...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray jadwalka goobaha loo asteeyay doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Sida ku cad jadwalka guddiga, doorashooyinka ayaa laga qabanayaa 12 degmo oo ku kala yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Gobolka Hiiraan waxaa loo asteeyay degmooyinka Beledweyne,...