Tuesday, June 9, 2026
Shirkii looga Tashanayay Qaabka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka ayaa goor-dhow lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeedka koobnaa toddoba qodob. Inkastoo shirkan inuu furmo ay muddo qaadatay, ayaa wax yar kaddib markii uu furmay la soo gunaanaday, waxaana qodobada laga soo saaray ka mid...
Muddo laba sano ah ayaa laga joogaa markii ay ka billowdeen colaadaha sokeeye Koonfurta Suudaan, taasoo ku beegnayd bishii December ee sanadkii 2013-kii. iyadoo hay’adaha samafalku ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda dalkaas ka taagan. Hay’daha gargaarka ayaa ka digayaan in cunto-yari aad u daran ay dalkaasi soo wajeheyso, waxayna...
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay sii xoojiyaan duqeynta ay ku hayaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ah ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq. Obama ayaa sheegay inuu qirsan yahay in dagaalka uu adag yahay loona baahan yahay in horumar deg-deg ah laga sameeyo. Wuxuuna hadalkaan...
Wararka laga helayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb. Ciidamadan oo wata sideed gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay garoonka oo aan waayadii dambe shaqeynayn, lamana...
Wafdi isugu jitra wasiirro xukuumada Soomaaliya, xildhibaano iyo madaxweynaha maamul-gobolleedka Galmudug isugu jira ayaa goor-dhow gaaray magaalada Beledweyne e xarunta gobolka Hiiraan. Xubnaha wasiirrada XFS ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka Amniga gudaha, C/risaaq Cumar Max'ed, Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraaha, Wasiirka batroolka, Wasiir-u-dowlayaasha madaxtooyada, maaliyadda iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin;...
Wasiirka Maaliyada xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibrahim ayaa soo dhaweeyay ansixinta sharciga iibka Qaranka oo golaha baarlamaanku anxisyeen sabtidii hore, wuxuuna ku tilmaamay wasiirku tallaabo horumar u keenaysa daah-furnaa iyo taaba galinta sharciyada asaaska u ah dalka. “Ansixinta sharciga iibka Qaranka waxaan sugaynay muddo dheer, waana qayb ka mid...
Xilli xalay rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo ay AMISOM kaga jawaabaysay Weerar ay dhanka badda kaga soo qaadeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa maanta ka hadlay arrintaas ciidanka AMISOM ee ilaalo ka haya garoonka diyaaradaha Muqdisho. Afhayeenka AMISOM Col. Paul Njuguna oo la...
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cafis u fidiyay 66-maxbuus oo Keenyaan ah, kuwaasoo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalada Nairobi. Maxaabiistan ayaa 10 ka mid ah waxay ahaayeen haween ay ku jiray haweeney 68-jir ah, taasoo ku xukuneyd xabsi daa’in ama madaxaa-ha-ku-furto. Waxaana maxaabiistan qaar ka...
Waxaa maalintii labaad ka soconaya xaafadda Howl-wadag ee degmada Beledweyne dagaal u dhaxeeya maleashiyaad kasoo kala jeeda beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo marar badan oo hore ku dagaallamay deeganno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan. Inkastoo dagaalka maanta uusan aheyn mid culus marka loo eego kii shalay, haddana mar marka qaar...
Mas’uuliyiiinta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ayaa maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka, xilli si weyn loogu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee Somalia ka dhici doonta. Kulankan ayaa ka barbar-dhici doona wareegga labaad ee shirka madasha wada-tashiga Qaran ee...