Beledweyne oo ay maanta gaareen wafdi uu hor kacayey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odawaa.

0
543

Waxaa goor-dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaaray wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xuuumadda Somalia, C/raxmaan Maxamed Xusseen [Odawaa].

Xubnaha wafdiga wasiirka ayaa waxaa ka mid ah, wasiirka bartoolka xukuumada Somalia, Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo xubin ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa garoonka diyaaradaha Beledweyne wafdigan kusoo dhaweeyay.

Illaa hadda lama oga ujeedada socdaalka wafdiga uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha, balse safarkiisa ayaa wuxuu imaanaya xili weli uu jiro muran ka taagan dhismaha maamul loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada, iyadoo kulan dhawaan ay magaalada ku yeesheen duubabka dhaqanka wadda jir ugu qaadacen ka qeyb-galka shirka Jowhar.

Wixii warar ah ee kasoo kordha socdaalka wafdiga Xukuumadda Soomaaliya waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee warsom haddii ALLE ogolaado.

beco11beec22